weak
B/xaawo oo Xalay laga Maqlay Dhawaqa Madaafiic aan Badnayn
Mandera: (GMN) Wararka aanu ka helayno Magaalada B/xaawo ee Waqooyiga Gobalka Gedo ayaa tilmaamaya in xalay halkaa oo ay fariinsin u ahayyd Ciidamada Dowlada weerar ku dhufoo ka dhaqaaq ah ay ku soo qaadeen rag dabley ah oo aan haybtooda la garanayn.
Goob joogayaal iyo dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in xalay xili fiidnimo ah laga maqlayey Gudaha magaaladaasi Dhawaqa Dhowr madfac iyo rasaas aan sidaa u sii buurnayn oo Qiyaastii lala beegsadey aaga Kastam ay wadaagaan Labada Degmo iyo Qaar ka mid ah baraha ciidsamada ee Gudaha Magaaladaasi.
Ma jirto Cid wali sheegatey in ay falkaasi ka dambeysey mana jiraan wax qasaare ah oo ilaayo haatan lasoo sheegay hase yeeshee talaabadani waxa qalqal galisey dadka deegaan qaar oo ka rajo qabey in ay dib ugu laabtaan guryahoodii ay dhawaan ka soo barakaceen xili ay haatan ku suganyihiin Gudaha Magaalada Mandera ee Gobalka Waqooyi bari Kenya.
Arbushkaan xalay lala Beegsadey B/xaawo waxa uu ku soo beegmay xili maalintii shalay uu dagaal Qaraar ku dhex marey Deegaamo u dhaxeeya Degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere, Dagaaladaasina waxa ay ka tageen qasaare aad u badan oo inta badan soo kala gaarey dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.
http://gedoonline.com/?p=18421



