Page 1 of 1

Mooryans kill eachother and citizens in Luuq

Posted: Thu Mar 17, 2011 9:50 am
by grandpakhalif
Maleeshiyaad kawada tirsan kooxda Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ayaa iska hor-imaad ku dhexmaray maanta degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo khasaaro isgaarsiiyey, galaaftayna dad rayid ah.




Israsaaseyn daqiiqado socotay ayaa bar fariisin u ah ciidankan ku dhexmartay, sagaal qof ayaa meesha ku dhaawacantay oo u badnaa shacab ay ku dhaceen xabadihii la isku ridayey.


Sababta keentay dagaalka dhexdooda waxaa goob-joogayaashu ku sheegayaan in ay ka dambeysay markii gaari Tikniko ah ay qaar kamid ah ciidamada ay ka rideen rasaas, askar kale oo meesha joogtay ayaa ka carootay falkaas, tacshiirad ayeyna sidaas ku fureen.


Cabdi Barre Cabdi oo ah afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Gedo wuu xaqiijiyey dhacdadan, wuxuuna sheegay in ay kala dhex-galeen labada ciidan, islamarkaana ay kala qaadeen oo iminka ay caadi xaaladdu tahay.


Ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca wuxuu kamid yahay xulufada qabsatay dhawaan degmooyin kamid ah gobolka Gedo. Fal noocaan oo kale ah oo u dhexeeyey askarta dowladda ayaa isaguna toddobaad ka hor wuxuu ka dhacay Ceelwaaq.

Cabdi Ruush
Gedoweb, Garbahaarey.
AUN shacabka ku geeriyooday luuq