Shiskabab make last stand. get gurmad from 5 gobols
Posted: Fri Mar 18, 2011 8:09 am
Dhinacyada isku haya gobolka Gedo oo gurmadyo helayo iyo xiisad taagan
Gurmadyo ciidan oo xoog badan ayey ka helanayaan dhinacyada ku dagaalamayo gobolka Gedo,iyadoo deegaannada ku dherersan degmada Ceelwaaq laga soo sheegayo xiisad iyo dhaqdhaqaaq dagaal.
Ciidam hor leh oo ku hubeysan gaadiidka dagaal oo ka soo ruqaansaday magaalada Doolow ayaa soo gaaray degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq si ay u xoojiyaan ciidanka taabacsan dowladda KMG iyo Ahlu-Sunna ee labadan magaalo qabsaday, tiradooda ma cada.
Xarakada Al-Shabaab ayaa iyaduna soo gelisay gobolka dagaalyahanno laga kala keenay gobolada Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo Banaadir, ciidankan xoogooda waxaa la dhigay difaaca Baardheere iyo qaar yar oo iyaguna la geeyey nawaaxiga tuulada Buusaar oo 40Km bariga kaga aaddan Ceelwaaq.
Deegaanada isla Ceelwaaq-dan ku dhow-dhow xiisado colaadeed ayaa laga dareemayaa, Al-Shabaab ayaa isku dayaya in ay dib u qabsadaan Buusaar, saameyn kale ayaa jirto oo ah roobab ka da'ay deegaanadan.
Ciidamada dowladda ayaa iyaguna la isugu geeyey Buusaar si ay uga hortagaan haddii dagaal lagu soo qaado.
Gedo ayaa sida cad wali xaalad dagaal dhex-dabaalaneyso, ma cada sida ay wax noqon doonaan.
Cabdi Ruush
Gedoweb, Garbahaarey.