Al Shabaab oo laga dilay horjooge sare
Muqdisho-(GMN) Horjooge sare oo ka tirsan maleeshida Al Shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa lagu dilay dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan horjoogayaasha maleeshiyada.
Horjoogayaasha ayaa sheegay in horjoogaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Yuusuf Aar balse ay iyagu ugu yeeri jireen Sheekh Qalbi, ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen dagaalladii ka dhacay Muqdisho maalintii arbacada ee aynu ka soo gudubnay oo ku beegneyd16kii bishan.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa sheegay inuu ninkaasi ahaa horjoogaha guud ee maleeshiyada Al Shabaab ee gobollada Jubbada dhexe iyo Gedo, wuxuuna ka qeyb galay dagaallo badan oo ka dhacay dalka.
Horjoogaha ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii hoggaaminayay dagaalladii 1995-kii dhex uu ururkii Al Itixaad la galay SNF, ee ka dhacay gobolka Gedo.
http://gedoonline.com/?p=18543




