Balanbale (Saadaal Media) Dowlada federaalka ee Ethiopia ayaa hakad galisay socodaal howleed ay magaalada Adis-Ababa ku joogeen madaxweynaha dowlada Bartamaha Somalia Maxamed Carabeey iyo wafdi 4-xubnood ah oo la socday.
Wasaaraddaa Gaashaandhiga Ethiopia ayaa u yeertay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxayna ku wargaliyeen in dhamaantood waa xubnaha dowladda Bartamaha-Somalia aysan ka bixin wasaaradda gudeheeda inta dacwad ka dhan ah iyaga ay kasoo afmeermayso.
Ugaas Taakooy oo kamid ah ugaasyada Beesha Sade ayaa la tilmaamay inuu ku luglahaa dacwadaas oo uu u gudbiyay dowlada federalka Ethiopia, warka aan haynaa wuxuu tilmaamayaa in Ugaas Taakooy uu dowlada federalka Ethiopia ku wargaliyay in madaxda dowlada Bartamaha Somalia ay wadaan qul-qulatooyin ka dhan ah gobolka Galgaduud.
Warar hoose oo turxaan baxsan ayaa tilmaamaya in ugaasku uu si degdeg ah u tagay magaalada Adis-abab intii madaxdaasi ay shirka lalahaayeen dowlada Ethiopia, kadibna uu soo kexeeyey ciidan amniga qaabilsan sidaasna uu ku dacweeyey.
Wararku waxay tilmaamayaan in Ugaasku uu qaatay lacag dhan $ 4-kun, oo uu kusoo fuliyo howshaas, hadii uu qabtana uu ballan qaad kale u heli doono $ 6 kun oo kale. Taakooy wuxuu dacwadaas la kaashaday nin kale oo aan magiciisa la xusin oo ururka Ahlu-Sunnaha Galgaduud u qaabilsan afhayeen oo ku sugnaa Adis-Ababa. Isku soo duuboo Taakooy ayaa lagu xaglinayaa inuu Adis-Ababa u tagay codsi ka yimid masuul kasoo jeeda magaalada Guriceel si uu howshaas ufuliyo.
Dhanka kale shir ballaaran ayaa ka socda magaalada Ballanbale ee gobolka Galgaduud kaasoo khuseeya madaxda dowlada Bartamaha-Somalia ee safarkoodii lagu hakiyay Adis-Ababa, wuxuu shirkaasi u dhexeeyaa maamulka degmeda Ballanbale, odayaal iyo saraakiil Ethiopian ah oo deegaanka ku sugan.
Gudoomiyaha Degmeda Balanballe Iraad Xaashi Cali Guure oo aan xiriir la samaynay ayaa cadeeyey inuusan iminka saxaafadda war u gudbin karin laakiin saacadaha soo socda uu filayo inuu war faahfaahsan bixin doono.
http://www.saadaal.com/index.php?option ... &Itemid=18
Faysal Cali
Saadaalnews@gmail.com




