Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Report: Security & Development Meeting in Beled-Hawo & Luuq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12573
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Report: Security & Development Meeting in Beled-Hawo & Luuq

Postby XimanJaale » Tue Mar 29, 2011 7:37 am


Beled-Hawo:

Madaxda Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee magaalada Beledxaawo ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada.

Kulanka oo ka dhacay dhismaha xarunta Beledxaawo ayaa looga dooday sidii loo xoojin lahaa amniga, oo aysan u dhicin in Al Shabaab ay weerar ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku soo qaado gudaha magaalada Beledxaawo.

Afhayeenka ASWJ ee gobollada koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq ayaa Bar-kulan u sheegay in dadweynaha magaalada ay wacad ku mareen ka qeyb qaadashada sugidda amniga iyo daddaalada lagu doonayo in Al Shabaab looga sifeeyo gobolka Gedo.

Sheekh Maxamed Xuseen ayaa xusay in dadweynaha gobolka Gedo ay caburin xooggan ku hayeen maleeshiyaadka Al Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay faafinayaan fikrado aan Diinta Islaamka sal iyo raad ku laheyn.

Odayaasha Beledxaawo ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna inay shacabka magaalada ka taageerto dayactirka iyo dhismaha guryahooda ku burburay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada.

Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Beledxaawo ayaa maalmihii ugu danbeeyay kulamo is daba joog ah la qaadanayay waxgaradka iyo odayaasha degmada Beledxaawo si ay u xaqiijiyaan ammaanka degmadaasi oo ay dhawaan kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.



Luuq Ganaane:
Maamulka DKMG ah ee degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo waxgaradka deegaanka, ayaa kulan looga hadlayay xoojinta amaanka ku yeeshay xarunta saldhiga degmadaasi.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ka mid ah mas’uuliyiinta KMG ah ee gobolka Gedo oo kulanka ka qeyb galay, ayaa ka dhawaajiyay muhiimada kulanka iyo isfahanka ka dhalankara wada shaqeyn dhex marta maamulka dowlada iyo dadka deegaanka.

Siyaad Cabdi Kaliil waxa uu ku booriyay waxgaradka deegamada in ay la shaqeeyaan maamulka dolwada, taa badalkeedana ay u balan qaadayaan sugidda amaankooda, isagoo sidoo kalena amaanay sidii dowlada loogu soo dhaweeyay degmada Luuq iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Qaar ka tirsan waxgaradka degmada Luuq ee kulanka ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyay hanaanka wada shaqeyn ee ay soo bandhigeen maamulka dowlada ee degmada, waxaana ay balan qaadeen in dhankooda ay si buuxda uga caawin doonaan amaanka iyo isfahan dhex mara dowlada iyo shacabka degmada.




Beled-Hawo & Luuq Ganaane's Meeting Outcome consist of:
- Ensuring cohesion between the Mamuul and the population
-Enforcing strict security for the future against Al-Shabaab
-Rebuilding properties that were damaged during the Febuary's fighting
- To make sure that people are re-educated about Al-Shabaab agenda
-To prevent Al-Shabaab's ideology to spread around Gedo
-To help Ahlu Sade and TFG soldiers so that the rest of Gedo is liberated from Al-Shabaab

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests