Aqoonyahano ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka oo soo dhisay Dowlad Goboleedka Jubbland oo ku sugan Helsink-Finland
Helsinki:(Somaliinfo)Shir hoosaad dhawaan uga furamay wadanka Finland aqoonyahano iyo wax garad ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyagoo kaga arinsaday in loo sameeyo Gobolada Jubooyinka maamul loo dhanyahay ,
Aqoonyahanada oo shirkoodii ku falan qeeyay sida loo qayb sanayo Maamulka Goboleedka Jubbaland iyagoo aad ugu dhabagalay in la sameeyo awood qaybsi,i Qabaa,ilada dega 3 Gobol ee kala ah Gedo.Jubba-dhexe, Jubbada-Hoose , maamulkan oo mid hoos tagi doona Dowlada dhex ee Soomaaliya xiriir wanaagsan la leh Dalka Ethopia.
Hogaanka guud waxa uu noqon doono Madaxweyne iyo 4 Madaxweyne ku xigeen iyo 100 xildhibaan oo loo qaybin doon dhamaan Qabiilada dega Jubbaland State si cadaaladi ku jirto.
Halkan waxaan ku muujinayaan jagada awood qaybsiga
1- Madaxwenaha Jubbland ( Mareexaan)
2- Madaxweyne ku xigeenka ( Dir Biyo.maal)
3- Madaxweyne ku xigeenka ( Ogaadeen)
4- Madaxweyne ku xigeenka ( Shiikhaal)
Shaxda Gobolada Jubbaland oo kala ah
Gedo-
Garbahaareey. Mareexaan
Beled-xaawo- Mareexaan
Dooloow-Mareexaan
Baardheere-Mareexaan iyo Digil iyo Mirif
Ceel-waaq – Mareexaan iyo Gare
Jubbada-dhexe
Bu,aale- Digil iyo Mirifle , Ogaadeen ,Mareexaan
Saakoow. Digil iyo Mirif
Jilib- Shiikhaal, Biyo-maal , Tuni, Jareer-weyne
Kamsuuma,-Biyamaan, Tuni, Jareer weyne
Jubbada-Hoose
Kismaanyo -waa caasimada cid gooni u dagtaa majirto.
Jamaame-Biyo-maal. iyo Mareexaan
Beerxaani-Mareexaan iyo Gaal-jecel
Af-madoow- Ogaadeen ,
Dhoobleey -Ogaadeen , Mareexaan
Xagar- Ogaadeen
How-singoow-Shiikhaal
kadib qiimayntii aanu samaynay ee dhinaca awood qaybsiga waxaa dag-mooyinka badan kood dega Beesha Mareexaxan sidaasi tarteedna ay iyagu xaq u yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubblabd ee 5 sano ee soo socota,
Waxaa kaloo la isla soo qaaday cidda u noqonaysa Mareexaan Madaxweynaha oo aanu u dooranay Nin miisaan weyn ku leh Gobolada Jubooyinka laguna magacaabo Bare Aadan Shire ( Bare Hiiraale) anagoo u aragnay in wakhtigan uu ka bixi karo Maamulka isagoo si wanaagsan u yaqaana deegaanka iyo Dadka Goboladaan dega haatana dadaal u gu jira sidii uu uga saari lahaa kooxaha haatan ku sugan Gobolada Jubooyinka oo uu dadaal keedii wado.
Waxaan isla garanay haddii aan nahay aqoonyahanada ka soo jeeda deegaanka Gobolada Jubooyinka in sida aan wax u soo diyaarinay ay noola muuqatay sida ugu macquulsan ee aanu wax ku xalin karno maa daaba uu wadanka Soomaaliya dhibaatadiisa sii badatay , si aanu u samatabixino Dadka iyo deegaanka oo aan u samayno maamul lagu diirsado soona celiya nabadda deegaanka ,sidaasi darteed waxaanu codsanaynaa in aan la mucaaradin Maamulka si aan uga gudubno is jiid jiidka 20 jirsaday.
Waxaan sidoo kale Qabaa,ilada dega deegaanada Gobolada Jubooyinka aanu ku qan-cinaynaa haddii aad iska dhex weysaan xubnaha shatna ah ee hogaanka sare ,in aad heli doon taan Jagooyinka kale oo dhiman ,iyadoo aanu ugu tala galnay in Qabiilkasta uu soo dooran doono Maamulka Degmada uu kadego Gobolka oo ay iyagu xor u yihiin in ay iska soo dhex doortaan.
Waxaan sidoo kale hishiiska ka mid ah in Xil-dhimaanada lagu soo dhisi doono Degmada Dooloow iyagun ay soo maga caabidoonaa maa Madaxeynaha la caleema saari doono ,i maa daaba uu haatan ku sugan yahay Degmo nabad ah isla mar ahaantaasna ay ka fudu dahay in Madaxeynaha isla goobta uu joogo lagu caleema saaro.
Gunaanidka kulan waxaan illaahay ka rajaynaynaa in uu ku guuleeyo cidda mas,uulka ka noqonyasa Maamulka Jubbland iyagana waxaanu ka rabnaa in ay uga soo baxaan waajib kooda si daacad ah.
Aqoonyahanada qurbo joogta Maamul Goboleedka Jubbaland State ee Finland



