Ciidamo iyo saraakiil katirsaan Dowlada KMG ah oo muddo sanada ah tababaro ku qaadanayay gudaha dalka Kenya ayaa iskusoo dhiibay maamulka Islaamiga ee kajira degmooyin katirsan Gobolka Gedo.
Magaalada Baardheere waxaa shalay gelinkii dambe lagusoo bandhigay Gaari Dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan oo laxaqiijiyay in ay kasoo goosteen ciidamada Soomaalida ah ee dhawaan gaaray degmada Ceel-Waaq.
Fagaare ku yaal magaalada Baardheere ayaa waxaa shacabka kala hadlay Korneel Maxamed Garrow oo ahaa Taliya K/xigeenkii Gaadiidka xerada Siyeelow ee gudaha Kenya sida uu sheegtay sarkaalkaasi isisoo dhiibay.
Garrow wuxuu sheegay in isaga iyo Istaafkiisa ka caroodeen qorshayaal ay dejiyeen saraakiil Kenyan ah oo ahaa in lakala qeybiyo Gobolka Gedo lagana dhigo laba gobol oo kala hoos yimaad Itoobiya iyo Kenya.
Sarkaalkan isku dhiibay Shabaabka Gedo waxaa la socday Sedax Askari iyo gaari Cabdi Bille ah oo uu saaraa qori Dhashiike ah, gaariga iyo hubkii saarnaa ayaa shalay lagusoo bandhigay gudaha Baardheere.
Dhinaca kale Mid kamida Xildhibaanada Baarlamanka ayaa isna Idaacadda Shabelle ee Muqdisho u xaqiijiyay in Maxamed Garrow uu dowladda katirsanaa wuxuuna baxsadka ciidanka dowladda ee Ceel-Waaq ku Eedeeyay madaxda dowladda oo aan Mushaaraad siinin ciidankaasi.
———-
Daahir Guuleed, Baardhere/Somalia.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



