Xubin sare oo ka mid ah dooxada Jubba oo la xiray
Kismaayo / Google Images
Maleeshiyada Al Shabaab ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa xabsiga u taxaabay xubin sare oo ka mid ah maamulkii Isbahaysiga dooxada Jubba ee sanad ka hor ka talin jiray gobollada Jubbooyinka.
Korneel Xareed Cali Durdur oo ka mid ahaa saraakiisha Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa lagu soo waramay in uu haatan uu ku jiro xabsiga magaalada Kismaayo.
Mid ka mid ah ehelada korneerlka oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Bar-kulan u sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ay soo weerareen guriga mas`uulkaasi, oo ku yaalla xaafadda Guulwade ee galbeedka Kismaayo, iyagoo u ka xaystay dhanka saldhiga halkaasna ku xiray.
Ma ahan markii ugu horreysay oo korneel waxyeelo ka soo gaarto dhinaca maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo mas`uulkaas uu ka badbaaday, qorshooyin dil ah oo maleeshiyadu ay ku doonayeen in ay ku dilaan.



