Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

fighting inside Balanbale

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

fighting inside Balanbale

Postby ibrahimcw » Sat Apr 16, 2011 7:14 am

Balanbal: (R.CW) Dagaal dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Maleeshiyo beeleed oo qaab qabiil u abaabulanaa.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidmo ka tirsan Ahlu Sunna maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ay ka wadeen dhex dhexaadin labo beelood oo isku haystay Ceel ku yaalay gudaha degmada Balanbal, waxaana taasi ay keentay in mid ka mid ah beelihii Ceelkaasi isku haystay galabta ay weerar ku qaadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Ehlu Sunna Waljamaaca oo iyagu gacanta ku hayay Ceelkaasi.

Dagaalka oo socday Muddo ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ka mida ahaa dhinacyadii dagaalamay iyo shan kale oo iyaguna halkaa ku dhaawacmay, waxaana lamaqlayay rasaasta noocyadeeda kala duwan oo mudo gudaha degmada Balanbal ay isku weydaarsadeen ciidamada Ehlusunna iyo Maleeshiyaadkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda gacanta kuhaysa Ceelkaas, waxaana wararka qaar sheegayaan in Maleeshiyaadkii hubaysnaa gacanta ku dhigeen Ceelkaasi, halka warar kalena sheegayaan in Ciidamada Ehlusunna ay weli gacanta ku hayaan.

Saraakiisha Ehlusunna Waljamaaca ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkaasi ciidankooda lagu qaaday,balse sarkaal u hadlay Ehlusunna ayaa sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan arrimaha dagaalka ee ku wajahan Ceelkaasi.

Hareeri Xasan Barre oo ah gudoomiyihii hore ee Degmada Balanbal ayaa sheegay inuu indhihiisu ku arkay shanka ka mid ah dhinacyadii dagaalamay oo dhaawac ah, isagoo intaasi ku daray in xaaladdu hadda ay tahay mid deggen hase ahaatee wali la dareemayo xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo weli taagan.

Xafiiska Warqabadka Caabudwaaq.

User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Re: fighting inside Balanbale

Postby ibrahimcw » Sat Apr 16, 2011 7:16 am

Balanbal:(R.CW) Waxaa saaka deganaansho laga dareemayaa Degmada Balanbale ee Gobolka
galgaduud kadib iska hor imaad qasaaro dhaliyey oo maalintii shalay ka
dhacay Degmadaasi.

inta la og yahey 10 ruux ayaa ku dhaawacantey iska hor imaad u
dhaxeeyey kooxo hubaysan iyo ciimada maamulka Ahlusuna ma jiraan wax
dhimashaa oo ka dhashey iska hor imaadkaasi.

Sida ay saaka saxaafada u sheegeen saraakiil ka tirsan Maamulka
Ahlusuna ee hogaaminaysay is ka hor imaadkii shalay waxaa ay sheegeen
in xaaladu ay dagan tahey saaka, waxaana gaaray magaalada Balanbale
ciidamo fara badan kuwaasi oo ka tagey Degmada Caabudwaaq.

is ka hor imaadka ayaa ka dhashey muran taagnaa maalmihii la soo
dhaafay kaasi oo udhexeeyay dadka degmada Balanbal kadib markii ay
NGO. kamid ah kuwa deegaanka ay isku khilaafeen qaabka loo biyo
galinayo Degmada.

Masuuliyiin katirsan maamulka ayaa ku baxay si loo kala dhex galo
waxaana arintaasi ka soo horjeestay xubno kamid ah kuwii isku hayey
qaabka biyo galinta Balanbale taasi oo keentay in uu dhaco iska hor
imaad udhaxeeya iyaga iyo ciidamada maamulka.

lama oga waxa ay ku sugan tahay xaalada marka laga soo tago
saraakiisha maamulka oo sheegay inay soo afmeereen howlgalkii shalay.

Dhinacyada ku dagaalamay shalay magaaladaa Balanbal ayaa dhaawacooda
lakala geeyay magaalooyinka Guriceel iyo Caabaudwaaq.

C/kariin Axmed Bulxan

Caabudwaaq.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests