Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Kismaayo uga socda maamulka Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka iyo mid ka mida beelaha dega gobolada Gedo iyo Jubbooyinka oo dhawaan si gar darra ah looga dilay siyaasi caan ah.
Sida ay AOL ku heshay xog wareed lagu kalsoon yahay maamulka Al Shabaab ee Jubbooyinka ayaa kulanka soo qaban qaabiyay, waxayna isugu yeereen ganacsatada iyo Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Xareed Cali Dur-Dur oo dhawaan lagu dilay magaalada Kismaayo.
Kulanka waxaa qeyb ka ah Ninka ugu sareeya Shabaabka Jubbooyinka, waxaana lagu soo qaaday sidii dilku u dhacay iyo saameynta uu beesha iyo Xarakada Shabaab ku reebi karo.
Odayaasha ayaa Shabaab ku Eedeeyay in ay dabar goyn ku hayaan siyaasiyiinta beesha isla markaana aan lagu tixgelin xalinta wixii khilaaf ah ee soo kala dhaxgala siyaasiyiinta beesha iyo Shabaab, taasi bedelkeedna ay Shabaab dilal qarsoodi ah ku fuliyaan siyaasiyiinta ay is maagaan.
Dhanka Shabaab waxay beesha ku amaaneen sida aysan uga qeyb gelin dagaalada ka socda Dhoobley iyo kuwii Kismaayo lagula galay Axmed Madoobe oo mar isku dayay in uu la wareego gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee Dekadda leh.
Kulamada oo weli socda ayaa waxay u badan yihiin kuwo isugu jira kala warqab iyo kala gar qaadasho, inkastoo aysan odayaasha beesha kulanka u dhameyn hadana waxaa jira codsiyo isdaba joog ah oo ka imaanayay saraakiisha Shabaab oo ka baqay in dilkii Xareed Durdur kacdoon sababo.
Shabaab oo dagaallo uga furan yihiin Dhoobley iyo Gedo uma wanaagsana in ay colaad ka dhax abuurtaan beesha Kismaayo ku xoogan ee dhawaan laga dilay siyaasiga Xareed sidaas darteed, waxaa ka go’an in ay qaboojiyaan xiisadahaasi.
http://www.allgedo.com/2011/04/18/kulam ... -warbixin/



