Caabudwaaq: (Sh. M. Network) Maleeshiyaad hubaysan ayaa leexsaday booyado biyo u siday qoysas abaaro la ildaran oo ku nool deegaano ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay Maamusho.
Kooxo hubaysan oo maleeshiyaad ah ayaa leexsaday gaadiid biyo siday oo ka ambabaxay deegaano ka tirsan gobolka Galagaduud, waxaana la sheegay in uu ku sii jeeday deegaanka Gaashaamo oo qiyaastii 300Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Caabudwaaq.
Gaadiidka ayaa la sheegay in markii hore ay biyaha ka raadiyeen deegaanka Gallaafo ee dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho waxaana markii ay halkaasi ka waayeen ay biyo u dooneen degmada Caabudwaaq.
Qaar ka mid ah milkiilayaasha ceelasha biyaha soo saare ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay siiyeen dadkaasi biyo lacag la’aan ah, waxaana markii gaadiidkaasi uu ka ambabaxay shalay galab degmada Caabudwaaq leexsaday kooxo hubaysan sida uu idaacada Shabelel u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.
Abaarta ka jirta dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho ayaa kaliftay in gaadiidka booyadaha leh ee biyaha dhaamiya ay biyo ka soo dhaamiyaan deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana inta badan gaadiidkaasi ilaalo ka ah rag hubaysan.



