Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya xaaladda ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda KMG ah ee dhawaan soo galay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya.
Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa la sheegay in ay degmada Doolow ku xireen 6 Sarkaal oo ahaa kuwii horkacayay duulaankii ay ciidanka xulufada ah bishii maarso kusoo qaadeen degmooyinka Beled-Xawo iyo Luuq.
Ciidamada Itoobiyaanka ah waxay shalay gelinkii hore soo xireen saraakiil ay ugu caansanyihiin Aden Baariyoow, Cabdi Shakuur, Bashiir Dheere iyo kuwa kale oo diiday amar kasoo baxay Itoobiya oo ahaa in lasii balaariyo weerarada ka dhanka ah xarakada Al Shabaab.
Dowlada Itoobiya ayaa marar badan xirtay saraakiisha Soomaalida ee ku wehlinaysa dagaalka lagula jiro xarakada Al Shabaab waxaana horay xabsi usoo galay Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyaha gobolka, Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan iyo Barre Adeb Shire Hiiraale.
Weli wax war ah kama soo bixin saraakiisha dowladda ee ku aadan xariga loo geystay mas’uuliyiintan ka mid ahaa hogaamiyayaashii duulaanka Gedo.
————
Allgedo News Desk, Dolow/Ethiopia.