Ciidamada DKMG oo qabsaday Garbahaarey
Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo wada jira ay gacanta ku dhigeen degmadaasi.
Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in dagaal kharaar oo saaka ka bilowday deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 20 km u jirta magaalada Garbahaarey uu ku fiday degmadaasi, islamarkaaan ay haatan ciidamada dowladda si buuxda gacan ugu hayaan magaalada.
Cabdi Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkii maanta ay Al Shabaab kaga dileen 35 ka mid ah maleeshiyadooda, isagoo intaasi raaciyay inay qabsadeen gawaari tekniko ah.
Taliyaha ayaa sheegay in dhankooda uu dagaalka kaga dhaawacmay afar askari.
Saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa horay u sheegay inay qorshaynayaan sidii ay gobolka kaga sifeyn lahaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab.
Ugu yaraan 20 qof oo u badan dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay ayaa ku dhintay deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 20 km u jirta magaaalada Garbahaarey oo dagaalku uu saaka ka bilowday.




