Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya Gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya Gedo

Postby CoolPoisons » Sun May 01, 2011 7:17 am

Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya wadooyinka loo-maro Balad Xaawo, Luuq, Ceel Waaq iyo Gedo

Xarakada Al Shabaab oo horey loogala wareegay gacan ku heynta degmooyin ku yaalla Gobolka Gedo ayaa waxay iminka ay wadaan miinooyin fara-badan oo ay ku aaseyso wadooyinkii loo-mari lahaa degmooyinka ay gacanta ku dhigtay dowladda Soomaaliya oo garabsaneysa Ahlu Sunnah Wal Jameeca.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu ka heleyno ilo ku dhaw dhaw Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al Shabaab ay miinooyin xoog leh ku aaseyso wadooyinka loo-maro degmooyinka Balad Xaawo, Luuq, Ceel Waaq, Baardheere iyo Garbahaarey oo intuba ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Miinooyinka ay Al Shabaab dhulka ku aaseyso ayaa waxaa la-xaqiijiyay inay yihiin kuwo aad u fara-badan, waxaana la-sheegay in miinooyinkaasi laga keenay dalka Yemen, isla-markaana dagaal-yahanada miinooyinka wadooyinka ku aaseysa ayaa waxaa la-sheegay inay ku jiraan dagaal-yahano Ajaaniib ah.

Miinooyinkaan ayaa waxay keeni karaan halis baaxad leh oo ku timaada dadweynaha isticmaalla wadooyinkaasi, iyadoo dhawaan ay dad shacab ah miino kula kacday Gobolka Gedo, kadib markii ay ku aaseen Xarakada Al Shabaab, iyadoo ay Al Shabaab ku andacootay, inay ula jeeday dowladda iyo Ahlu Sunnah.

Dhanka kale Afhayeenka Ahlu Sunnada ee Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen “Al Qaadi” oo warbaahinta la-hadlay ayaa wuxuu daboolka uu ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay miinooyin xoog leh ku aaseyso degmooyinka ku yaalla Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in miinooyinkaasi ay keeni karaan dhibaatooyin xoog leh oo soo gaarta shacabka doonaaya buu yiri inay isticmaallaan wadooyinkaasi, isagoo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan balaaran.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal ay miinooyinkaasi kusoo faagayaan, isagoo intaasi ku daray in miinooyinka uu Shabaab dhulka ku aasay aysan xisaab laheyn, isagoo ula jeeday inay aad u badan yihiin, isla-markaana Shabaab ayaa wuxuu ku cambaareeyay talaabadaan uu ku dhaqaaqay.

Si kastaba ha-ahaatee Xarakada Al Shabaab ayaa waxay wali ay miinooyin ku aaseysaa wadooyinka waaweyn ee loo-maro degmooyinka Balad Xaawo, Luuq, Ceel Waaq, Baardheere iyo Garbahaarey, iyadoo ay talaabadani walaac xoog leh ka muujinayaan shacabka reer Gedo.

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya Gedo

Postby quark » Mon May 02, 2011 9:17 am

Thats pure evil :down:

User avatar
Archerr
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1242
Joined: Fri Feb 25, 2011 2:51 pm
Location: I think you are standing under me If you don't under-stand me.

Re: Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya Gedo

Postby Archerr » Mon May 02, 2011 11:22 pm

Al Shabaab waa qashin. Qaar taageero ururadaan ayaan la sheekaystay and weligeeyna dad ka aqli yar kana xaasidsan lama kulmin. Qof isku dayayo inay kaa dhaadhiciyaan inii bomb lagu qarxiyo meel shicib tuuran yihiin miyaa aqli misa naxariis laga sugi?!

User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27590
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya Gedo

Postby Murax » Tue May 03, 2011 10:24 am

weligeeyna dad ka aqli yar kana xaasidsan lama kulmin. !

I agree. I've met some of these people and almost all of them are just bums.

User avatar
Garbo_Gedo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1138
Joined: Sun Mar 29, 2009 10:42 am
Location: Gedo, Baladki Amiirada

Re: Al Shabaab oo miinooyin aan tiro laheyn ku aasaaya Gedo

Postby Garbo_Gedo » Tue May 03, 2011 12:02 pm

One may wonder what happened to the sanity of some people or is just little kids who post in here?

Independent and reliable sources back home say that both groups are equally planting mines all of the places. None of the groups has the interest of the public at their heart, and both are fulfilling the interest of external forces.

The fight in Garbo has been intensifying and a mortar even hit the house where mamada iyo caruurti stayed. Kuwi soo tuuray nacallaa in ku yaal baanu leenahay.

Both groups should abandon the people of Gedo and fck around somewhere else.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests