Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shirkii Beesha Reer Garaad Ee Degmada Ceelcade

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Shirkii Beesha Reer Garaad Ee Degmada Ceelcade

Postby kismayogedojubaland » Mon Jun 20, 2011 11:02 pm

Ugaas Maxamed Wali oo sheegay in shir Beeleed ka socday Degmada Ceelcade ee gobolka Gedo lasoo gabagabeeyay.
Print here| By: allgedo.com: Monday, June 20, 2011 // 1 Jawaab

Ceelcade – Gedo (Somalia) – Waxaa shaley gelinkii dambe deegaanka Ceelcade oo ka tirsan Gobolka Gedo lagu soo gabagabeeyey Shir mudo 5 maalin ah, halkaasi ugu soconayey Qaar ka mid ah Odoyaasha, Culamaudiinka iyo Waxgarad kale oo ka soo jeeda Beesha Reer Garaad, iyadoo kulankaasi oo ay ka qeyb galeen dad ka badan ilaa 100 ruux ayey Beeshu kaga hadley arimo dhowr oo Quseeya danaha guud ee Beeshaasi oo ka mid ah Beelaha SADE iyo Xaalada guud ee Gobolka uu ku sugan yahay.

Shirkani oo ay soo Qabanqaabiyeen Qaar ka mid ah Odoyaasha deegaanka Ceelcade ayaa ujeedadiisu waxay ahayd labo arimood oo kala ah, marka kowaad in la doorto Nabadoon hogaamiya mid ka mid ah Jufooyinka Beesha Reer Garaad, iyadoo Xilka nabadoonimada Jufadaasi oo uu horey u hayey Nabadoon Sheekh Cabdulaahi Cabdi Ciise oo mudo ka badan 17 sano hayey ayaa Xilkaasi Nabadooninimo waxaa uu ku wareejiyey Macalin Salaad Cabdille Maxamed oo ku yimid sida la sheegay Qaab xulasho ah.

Sidoo kale Shirkaasi Gunaanadkiisa oo ay goob joog ka ahaayeen Qaar ka mid ah Odoyaasha Beelaha kale ee Reer SADE kuna sugan deegaanka Ceelcade ayey beesha Reer Garaad waxaa ay ka soo saareen Bayaan ka kooban ilaa 3 Qodob oo ay si gaar ah uga hadlayeen Xaaladaha dalka uu marayo,mida Gobolka iyo weliba mowqifka guud ee Beesha, waxaana Bayaanku u qornaa Sidatan:

1- Beeshu waxay ictiraaftey Nimcada iyo Islaanimada uu alle siiyey

2- Beesha waxay go’aan ku gaartey in la ilaaliyo Midnimada reer Garaad,wax kasta oo khilaaf ahna lagu xaliyo sida ay qabto shareecada Islaamka.

3- Beesha waxa balan qaadeysaa In ay garab istaago Kitaabka alle.

Dhinaca kale, mas’uuliyiintii iyo Odoyaashii ka qeyb galey Gunaanadka Shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Deegaanka Ceelcade Sheekh Aden Shukri Ciye oo ku amaanay beesha xulashada Nabadoonka iyo Bayaanka ay soo saareen, waxuuna gudoomiyahu uu tilmaamay Maamulka Islaamiga ee Gobolka Gedo in uu soo dhaweynayo natiijooyikii ka soo baxay Shirkaasi.

Sidoo kale Xubnahii Odoyaasha ahaa ee ka goob jooga ka ahaa Shirkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed, Nabadoon Xasan Xirsi Ciise, Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (indhayare), Nabadoon Sheekh Cabdulaahi Cabdi Ciise, Nabadoon: Sheekh Maxamuud Macalin Yuusf, Nabadoon Cali Macalin Aden (Cali xiish), Maxamed Cali Ducaale iyo Xubno kale.

Waana markii ugu horeysay oo shir beeleed noocani oo kale ah uu dhaco deegaanka ceelcade, islamarkaana ay ka soo baxaan Go’aano quseeya arimaha murugsan ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo weliba Xaalada Gobolka.

——-
Cumar Jaajaa, Ceelcade-Gedo.



http://www.allgedo.com/2011/06/20/ugaas ... agabeeyay/
Midnimada Reer Garaad Waa Midnimada Beelweynta Sade :clap: :clap: :clap:

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Shirkii Beesha Reer Garaad Ee Degmada Ceelcade

Postby CoolPoisons » Tue Jun 21, 2011 2:05 am

Rer Garad the only jiffo that fully supports Shiskabab

how many boys did they lose fighting for Shiskabab

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30322
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Shirkii Beesha Reer Garaad Ee Degmada Ceelcade

Postby grandpakhalif » Tue Jun 21, 2011 9:40 am

Mashallah mashallah, mashallah ilaahi kheyr ha siiyo beesha reer garaad :up: :D


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests