Ugu horreyn waxaa khudbad ku daah-furay xalfadda guddoomiyaha Naadiga Somali-Pen ee laanta koonfurta Soomaaliya C/naasir Yuusuf Macalin, isagoo mahad u celiyay qoraaga buuga, isagoo sheegay in buuggan uu yahay mid qiimo badan u leh Soomaalida, maadaama ay aad ugu baahan yiihiin qaabka loo dhisi karo hoggaan wanaagsan, wuxxuuna bulshadiii xafladda kasoo qaybgashay kula dar-daarmay inay noqdaan kuwa wax qora.
Waxaa sidoo kale xafladda hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay qoraaga buugga Dr. Cabdi Shire oo sheegay in sababaha uu u qoray buugaan ay ugu weyn tahay in shacabka Soomaaliyeed ay baahi-weyn u qabaan hoggaan toosan, isagoo sheegay in buuggu uu dadka ku toosinayo sidii ay u baran lahaayeen qaabka lagu dhiso hoggaan wanaagsan, isagoo xusay in laga soo billaabo 1960-kii illaa hadda aysan Soomaaliya heli hoggaan toosan, taasoo uu sabab uga dhigay in dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye iyo burbur. Isagoo buuga kusoo qaatay qaabka mar walba looga baahan yahay inuu ku sifoobo hoggaamiyaha
Waxaa munaasabaddii lagu soo bandhigayay buugga haggaanka wanaagsan ka hadley qoraa Saciid Shire Cali oo isaguna ka mid ahaa dadkii akhristay buugga isagoo ugu horreyn u mahad-celiyey qoraaga buugga oo uu sheegay inuu qabtay howl muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed madaama ay baahi weyn u qabto hoggaan wanaagsan oo dariiqa wanaagsan ku haga.
"Dadka Soomaaliyeed waxba kama yaqaannaan waxa la yiraahdo hoggaanka wanaagsan, waayo burburka maanta haysta kuma uusan dhaceen haddii hoggaan wanaagsan uu jiro," ayuu yiri Dr. Cabdi Shire oo ah qoraaga buuggan.
Xubnihii kale ee ka hadlay xafladda lagu soo bandhigay buuggan ayaa sheegay in buuggan ay aad ugu riyaaqeen iyagoo soo jeediyey talooyin ay tahay in lagu daro buugga, iyagoo sheegay in buuggan uu maskaxda dadka Soomaaliyeed ku kordhin doono wax weyn oo ka maqan.
Qoraaga buugga wuxuu nuqullo ka mid ah buuggan hadiyad ahaan u siiyay Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) oo ka mid ahaa guddigii qoraalka afka Soomaaliga, Nuurto Sheekh Maxamuud oo ka mid ah haweenka bulshada rayidka ah iyo Dr. C/raxmaan Abuu-xamza oo isna ah qoraal Soomaaliyeed oo afka Soomaaliga ku turjumay buugaag badan oo faa'iido u leh bulshada.


Dr. Cabdi Shire Warsame
http://www.hiiraan.com/news/2011/Jun/wa ... -14025.htm
http://oodweynenews.com/news/85979-naad ... rsame.html
http://somalitalk.com/2011/06/29/pen-3/
http://gedoonline.com/?p=23633




