Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xarige Bare Hirale waxay ahayd shirqool. 7 milyan ayaa lagu

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Xarige Bare Hirale waxay ahayd shirqool. 7 milyan ayaa lagu

Postby CoolPoisons » Sun Jul 10, 2011 2:56 am

bixiyey

Ma Xaqbaa Xildhibaan-Xoriyadii laga Qaadoo—Xirataa Dawlad Kaleeto???

Xog-(GMN) Waxaan ognahay in Col-Barre aaden shirre(Hiiraale) oo ah xubin kamid ah golaha baarlamaanka ee dawlada ku meelgaarka ee soomaaliya uu in mudo ah yahay masuul ku xayiran xabsi ku yaala dalka aan dariska nahay ee Ethiopia,

Taasoo la oron karo waa xadgudub qaawan bareer ah oo wax u dhimaysa xushmada,sharafta,iyo qadarinta umada iyo qaranka soomaaliyeed,

Maadaama xubin kamid ah Xildhibaanada dawlada ku meelgaarka ah ee soomaaliyeed uu si xaqdaro ah uu ugu xiran yahay dawlad aanu xildhibaan iyo shacabkeed midna ahayn oo aan daris nahay.

Xadgudubkaas cad oo sharci darada ah oo aanay dawladii uu xildhibaanka ka ahaa qudheedu jirin xilweyn oo ay iska saartey iyo dadaal muuqda oo la taaban karo oo ay u gashay aanu jirin xariga xildhibaan Barre aaaden shirre oo ku xiran dalka aan dariska nahay ee Ethiopia.

Xildhibaan Barre aaden shirre(Hiiraale) ma jirto sabab cad oo xarigiisa ay sal uga dhigtay ama ay ku macneysey dawlada Ethiopia oo xayiraadiisaas ka danbeysey,iyo wax danbi ah oo la taaban karo oo ka galay xukuumada iyo dawlada Ethiopia iyo qaranka uu xildhibaanka ka yahay ee soomaaliya intaba, mana jirto daruuf ku qasbi karta dawlada Ethiopia in xubin kamid ah xildhibaanada dawlada soomaaliyeed inay ula bareerto xadgudub,xarig ama xayiraad heerkaas gaari kara sharci ahaan,iyadoo aanay jirin wax maxkamad ah oo ku xukuntey dambiyo iyo xadgudub ula kaca oo ka galay dalkeeda intaba,

Hadiise ay jirto dambiyo laga tirsanayo oo uu galay xildhibaankaasu sida xeerka caalimigu qorayo waxay ahayd in dawlada uu xildhibaanka ka yahay waxii cinqaab ah oo uu muteysto iyada lagala xisaabtamo iyadoo la dhawrayo xiriirka dublamaasiyadeed ee caalamigaa oo ay leeyahiin aduunka guudkiisa saarani.

Hadiise xaqiiqda dhabtaa ee jirta laga tago oo ay meesha timaado kaa xoogweyni waxay taasi u sansaan egtahay una biyo dhacaysaa inay soo ifbaxayso xeeladihii qarsoonaa xukuumada iyo shacabka soomaaliyeed oo ahayd,

Gumaad oo iska xasuuq,Xabsi gee aan saxsanayn,Xirxir oo iska laah,Kii damiir leh xanaaqa,,Xalaalayso dilkiisa,iwm.

Si kastaba ha ahaatee inta aanan u guda gelin xogta dhabtaa ee qormadeydan waa kuma Xildhibaan barre aaden shirre(Hiiraale) waana nin caynkee ah.

Xildhibaan Barre aaden shirre (hiiraale) xiligii Burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya waxuu ahaa G/sare ama Col- ka tirsanaa Ciidankii xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaan ciidankii sida gaarka ah u tababarnaa ee loo yaqaaney Commandos-ka,

Xildhibaan Barre aaden shirre waxuu ahaa Sarkaal sare oo si weyn looga yaqaano gobolada koofureed ee soomaaliya gaar ahaan gobolda dhaca k/galbeed ee soomaaliya,

Waxuu kamid ahaa saraakiishii ugu cadcadaa ururkii la oron jirey SNF,waxuu soo noqdey Gudoomiyihii Dooxada Jubba ururkii ku bahoobey oo la oron jirey,Kaasoo ka talin jirey dhul baaxad balaaran oo dhaca koonfurta iyo k/galbeed ee soomaaliya,kaasoo ahaa Col- Barre aaden shirre hogaamiye aad looga qadariyo inta badan gobolada koonfur soomaaliya jiho ahaan dhaca.

Col-Barre aaden shirre (Hiiraale) waxuu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka Kenya ee lagusoo yagleelay dawladuu madaxweynaha ka ahaa Col- C/llaahi yuusuf axmed,waxuuna ka noqdey Xildhibaan xubin ka ah golihii baarlamaanka ee dawladii TFG-da isla markaana waxuu kazoo qabtey darajo sare oo ah (Wasiirka Gaashaandhiga dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Col-C/llaahi yuusuf axmed.

Xildhibaan barre aaden shirre Xiligaas uu ahaa wasiirka Gaashaandhiga iyo intii ka horeysaba waxuu ahaa sarkaalka qura ee farakutiriskaa oo aan wax xiriir hoose ah la lahayn dawlada Ethiopia,cilaaqaad la,aanta kasa koow waxaa taas usii dheerayd inay dawlada Ethiopia mar walba gacan saar la lahayd hogaamiye kooxeedyadii hardanka iyo loolanka ba,an uu kala dhaxeeyey Col-Barre hiiraale kuwaas oo laga xusi karo Gen-Morgan,Col- Shaati guduud,Xaabsade iwm.

Xildhibaan Barre aaden shirre iyo saraakiisha dawlada Ethiopia oo ay weli dhextaalo xurguftii mudada soo jiitamaysey iyo is fahan la,aantii ka aloosneyd waqtiga dheer ayaa marqura waxaa bahdii kala fogeyd waxaa si sahala u mideeyey dirirtii Islaamiyiinta iyo ururkii maxaakiinta la magic baxay,kuwaasoo labadii mudada dheer kala jeeday ka dhigey danwadaag kalsooni badan aan isku qabin balse daruuftu is badey.

Xildhibaan Barre aaden shirre (Hiiraale) tan iyo markii kooxaha islaamiyiinta ahi uga itaal roonaadeen magaalada dakada ah ee kismaayo labo sano ka hor,maadama uu yahay nin hal adeyg badan waxuu doorbidey inaanu sidaas ku samrin,dagaal cadna uu la galo Kooxda Alshabaab,Waxayna saldhig asaga iyo ciidamadiisii ka dhigteen magaalada Dooloow oo dhacdey xadka labada dal ee soomaaliya iyo Ethiopia.

Taasoo saaxiib kala dhigtey kuwii shalay ay yara kala didsanaayeen maanta isla markaana cadowgoodu uu noqdey kooxaha islaamiyiinta ah ee alshabaab oo ay isku si u arkayeen,,Siyaasadu wa meer meerto is gadgadis badan oo aan shalay iyo maanta marmar isku saxo ahayne(Qadar alla iyo ku qabataba waa la qaataa eh)Iyadoo Ethiopia waxyaabahay barre hiiraale u kaydisey xusuusteedii ka tirtirin weli ayey doorbidey inay soo dhaweyso,maadama uu yahay hogaamiye sumcad ku dhex leh deegaanka iyo beesha uu kadhashay intaba,maadama ay hada isku dan yahiin oo cadowga ay la looltamayaan toodii hore uga daran yahay,

Balse mar walba dabinadii dawlada Ethiopia la doondoonaysey inuu soo galo oo uu ku dhaco Xildhibaan Barre aaden shirre (Hiiraale) kama ay daalin oo sideedii ayey usii dhigdhiganaysey goor ay ahaatabana sidiibey ula goobgoobeysey.

Inkastoo dawlada Ethiopia isku daydey inay damaceeda wax uun kamid ah ka gado Xil-Barre Hiiraale hadana uma suuragelin inuu dabacsanaan u muujiyo si ay gorgortanka ay kula jirtey wax uun kamid ah suuragal uga noqoto ama uga fushadaan,kaaasoo inta badan ku beegnaa Gobolada Jubbooyinka loo yaqaano iyo magaalada dekada ah ee kismaanyo,Taasoo wadaninimo iyo hal adeyg uu u dhashay darted inaba wax il ahi uga bixiweydey iyo dabacsanaanba isku daygiii ay la damacsanayd dawlada Ethiopia Xil-Barre aaden shirre hiiraale,,

Xil-Barre aaden shirre Hiiraale markii ay bilaabatey dirirtii u dhaxaysey urukii xarakada alshabaab ee gobolka gedo kagana itaal roonaadey dagaalkii halkaas ku dhexmarey,kana qabsadey intii badneyd degmooyinkii gobolka gedo tilaabadaas waxay u cuntami weydey dawlada Ethiopia oo mudo dheer shirqool la damacsanayd,Ilaa ugu danbeyn ay si xadgudub iyo gardaro cad ah xoriyadiisii uga qaado xukuumada dawlada Ethiopia,Xildhibaankii qura ee laf dhuun gsahay ku ahaa urur diimeedka alshabaab taasoo la oran karo waxay fursad u tahay urur diimeedka alshabaab,waxayna dhabar jab ku tahay dirirta lagula jiro uruka alshabaab, Sababtoo ah waxaa niyad jab badan saameeyey ciidamadii taabacsanaa Xil- Barre aaden shirre (Hiiraale) oo mudada dheer tababarku uga socdey dalalka Ethiopia iyo Kenya,kuwaasoon ku qanacsanayn xadgudubka iyo xariga loo geystey hogaamiyahoodii.

Sida ay ilo xogogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ay shegayaan shirqoolka iyo xariga Xil- Barre aaden shirre (Hiiraale) waxaa si buuxda uga qayb qaatey xubno sarsare oo kamid ah dawlada kumeelgaarka ah ee soomaaliya,Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalalka Ethiopia iyo Kenya oo aan dariska nahay,Ururka xarakada Alshabaab,Maamul goboleedyo ka mid maamul goboleedyada ka jira soomaaliya,Kuwaasoo xariga Xil-Barre aaden shirre (Hiiraale) ka kala leh ulajeedooyin isku mid ah,balse kala gedisan oo mid walbaa gaarkiisa u doonayo,

Ilo xogogaal ah oo codsadey magacooda in la qariyo daruuf nabadgelyo awgeed ayaa daaha ka qaadey inay hayaan cadeymo ku saabsan magacyada masuuliyiinta ka qaybqaatey xariga Xil-Barre aaden shirre(Hiiraale)Sida shirqoolkaas loo maleegay iyo hantida ku baxdey oo lagu qarash gareeyey oo Gaareysa($7.000000-Todobo malyan oo doller)Taasoo lacagta cadadaas dhan $4.000000,oo kamid ah ay bixisey ururka xarakada alshabaab, 3milyan oo kalana ay ku dareen masuuliyiin caana oo soomaaliyeed oo magacyadooda la hayo,

Lacagtaasna loo gacan galiyey saraakiil sarsare ka tirsan dawlada Ethiopia si loo fuliyo shirqoolka laysku bahaystey ee Xildhibaan barre hiiraale,waxaanan magacyada masuuliyiinta,saraakiisha,iyo hawlwadeenada iyo ururadii ku lug lahaa shirqoolka qaabka daran iyo damaaciga xuna ee loo maleegay Xildhibaan Barre aaden shirre (Hiiraale) soo bandhigi doonaa hadii loo baahdo dhawaan insha-allaah,Kuwaasoo xariga kasakoow heshiis lagula galay inaanu nolol qab Xil-Barre aaden shirre gacantooda uga soo bixin,Si uu xabsi dheer ugu jiro ama loo dilo,


Balse waxaa cajiib ah inaan marnaba la filayn in Saraakiil ka tirsan xakuumada Ethiopia iyo ururka xarakada alshabaab iyo kooxo soomaaliyeed oo masuuliyiin sheeganayaahi,shirqool ay si wada jira u maleegeen lala beegsan doono Xildhibaan barre hiiraale,Balse hunguri iyo dhaqaale meel uusoo galay wax walbaa ka filo.

Waxaanse qaranka iyo dawlada Ethiopia si sharaf iyo xurmo leh uga codsanaynaa inay xoriyadiisii usoo celiso Xildhibaan barre aaden shirre (Hiiraale) oo la garan karo kaalinta aan la qarin Karin oo uu uga jirey la dagaalanka kooxaha islaamiga ah ee alshabaab iyo shabakada argagixisada ee alqaa,ida intaba,

Waxaan sidoo kale ka codsanaynaa in kaalin libaax leh ay ka qaadato xakuumada dawlada ku meelgaarka ah ee soomaaliya sidii xoriyadiisa loogu soo celin lahaa Xil-Barre aaden shirre oo la oron karo waa halyeey cadiban oo aan mudnayn xadgudubka lagula kacay maanta,oo la oron karo inaanay xogtiisa dhabtaa ee ka danbeysey xariga loo geystey aanay xog badan ka hayn masuuliyiinta sare ee dawlada Ethiopia intooda badan,Balse loo marey saraakiil Laaluush qaatayaal ah oo ka tirsan xakuumada dalka Ethiopia,hadii loo baahdana magacyadooda iyo darajooyinkoodaba la heli karo.

XIGASHO—ILO XOGOGAAL AH.

Durraan shirwac

E-Durta21@hotmail.com

Gedoonlinenews@gmail.com

Gedoonlinenews@gmail.com

The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Xarige Bare Hirale waxay ahayd shirqool. 7 milyan ayaa l

Postby The_Patriot » Sun Jul 10, 2011 9:14 am

That is the price of Working with Xabashi.

Unless he says Sadaqta he will still be in jail.

Anyway this is an exercise to make it clear who runs the show. :up:

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Xarige Bare Hirale waxay ahayd shirqool. 7 milyan ayaa l

Postby CoolPoisons » Sun Jul 10, 2011 12:18 pm

^^ Dumb cagdher, hadii lagu shirqoolay wax ayaa jira

User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Xarige Bare Hirale waxay ahayd shirqool. 7 milyan ayaa l

Postby Talo alle udaa » Sun Jul 10, 2011 12:54 pm

Coolpoison,

Barre was arrested much like Dabogeed, M.Dheere, and many others.
Barre should have learn to play by the rules when he made the fateful decision. Saying things such as Al shabaab paying money or some grand scheme being set up makes Barre appear as an Important man, but at the end of the day he is a Somali warlord who in his futile effort in trying to regain his clout and status was arrested by his handlers.

The Ethiopians arresting him to me is a sign there is still some good within him. If he comes out of Ethiopian jail claiming Somali group plotted and turned the Ethiopians against him as you are making it appear now, he will wash away what little integrity he had left with him. If he retires from Somali politics then we will know he come out of the ordeal a changed man.

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Xarige Bare Hirale waxay ahayd shirqool. 7 milyan ayaa l

Postby EEGA9 » Sun Jul 10, 2011 1:05 pm

Its called Dhaqan Xabashi. :up:


Isagaa Xabashi cagihiisa oogu tagay ma cid baa ku qasabtay.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests