Bismilaah, Warka inaga soo gaaraya Gedo gaar ahaan Baardheere waxay sheegayaan in qabanqaabo loogu jiro xulashada Ugaaska cusub ee beesha SADE. Annigu ka shaqsi ahaan waxaan ku talin in laga leexdo jidkii qodxaha badnaa ee reer Sade waligood ayan mahadin cadaalad loo dhan yahayna ayan ka helin; Sidaa daraadeedna SADE uu illaahay u noqdo cadaalad loo dhan yahayna raadiyo. Annigu waxaan soo jeedinlahaa in UGAASNIMADA SADE LAGU DAYO OO LOO DHIIBO NIN BEESHA FACAYE KA SOO JEEDA, maxaa yeelay waa waalid cid gaar u xigtana majirto, waxaanan ku tuhmayaa cadaaladii aanan marna beeshu helin.
ALLAAHU WALIYUL TOWFIIQ.





