Xubno ka socda Uuruka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) ee ah qurbajoogta beesha Sade ayaa booqashadooda Degmada Balanbale waxay ahayd mid ay ugu kuur galayaan xaaladaha nololeed ee dadka deegaanka Balanballe.(Daawo Sawirada)
Ugu horayn waxay ay kulamo la qaateen maamulka Degmada Balanballe,Ganacsatada,Golaha guurtida,ururada haweenka iyo Dhalinyarada.
Xubnahan ayaa uga warbixiyay maamulka degmada ujeedada la xariirta socdaalkooda degmada Balanbale iyagoo sheegay inay u kuur galayaan xaaladda guud ee deegaanka si ay u darsaan baahida jirta iyo waxqabadka maamulka, waxayna ku amaaneen maamulka Culimaa’udiinka Ahlusuna Nabada iyo kala dambaynta ay ka sameeyeen mudadii ay la wareegeen gacan ku haynta qaybo badan oo kamid ah Bartamaha dalka Soomaaliya
Maamulka degmada Balanbale oo uu horkacayo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Balanballe Maxamuud Maxammed Cabdullahi (istuuraaye) ayaa xubnaha qurbajoogta kormeer kusoo marsiiyay guud ahaan magaalada Balanballe gaar ahaan goobaha Waxbarashada,Caafimaadka,Ceelasha biyahay,Ganacsiga,Xarunta agoonta C/llahi Cigaal iyo garoonka diyaaradaha oo ah mid wali qabyo ah una baahan dhamaystir.
Xubnaha ka socday ururka SDSI ee kormeerka ku tagay Degmada Balanbale ayaa kala ahaa
Dr Max’ed Cali Nuur
Saahid Maxamed Cali (Qodhob)
C/qani Sh. Cali Diini
Cabdi Jamac Guuneguune
C/risaaq Qaliif Ilay,
iyo xubno ka kale socday maamulada Degmooyinka Balanbale iyo Caabudwaaq oo horkacayay waftiga SDSI waxaana ay ku soo dhamaatay booqashadoodii jawi farxad leh.
C/kariin Axmed Bulxan