Allgedo waxay dooneysaa Wariye qibrad leh oo Muqdisho ka howl-gala (Akhri shuruudaha laga rabo wariyaha)
Print here| By: allgedo.com: Thursday, September 1, 2011 // u Jawaab
Related ArticlesMaamulka Allgedo waxuu doonayaa wariye qibrad fiican u leh shaqada Wariye-nimada, shuruudaha laga rabo wariyaha aan raadineyno waa sida soo socota:
1. Waa in uu degan yahay kana howl gali karo Muqdisho.
2. Waa in uu yahay qof daacad iyo howl kar ah.
3. Waa in uu yahay wariye ku xeel dheer shaqada wariye-nimada, horayna ula soo shaqeeyay Radio’s, TV’s, Websites ama Journals.
4. Waa in uu aqoon u leeyahay sida loogu shaqeeyo Word Press-ka iyo FTP, isla markaana uu yaqaano sida codka Wave-ka ah loogu rogo mp3, masawiradana loo raaciyo qoraalada.
5. Waa in si fiican u yaqaan qaab qoraalka, gaar ahaan luuqadda Soomaaliga, haddii uu luuqado kale yaqaanana way kasii fiican tahay.
6. Waa in uu ku shaqeyn yaqaan Digital Camera.
7. Waa in uu awoodi karo in uu soo qaado wareysiyo haddii loo baahdo, si toos ahna usoo galin karo AOL.
Haddaba, qof kasta oo ku sugan magaalada Muqdisho, kana soo bixi karo shururuudaha sare ku xusan waxuu CV-giisa noogu soo diri karaa email-ada kala ah:
allgedo@allgedo.com ama
webmaster@allgedo.com
Maamulka AOL.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com