Kadib wada tashi dheer oo ay beesha Talxe Amaareer oo ka tirsan beelweynta Sade ku yeelatay kulan Taleefaneed ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah oo u dhignaa sidaan hoose:
- Ka dib markaan argnnay xaaladda adag ee uu dalku maraayo.
- Kaddib markaan aragnay rabitaanka iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo nabaddoonada beesha Talxe ee ah in ay beesha Talxe yeelato isku xirnaan dal iyo dibadba leh.
- Kadib markaan qiimaynay rabitaanka beesha ee ku wajahan dhinacyada isku xirka, habsami u wada shaqeynta, iyo xoojinta dhinaca dhaqanka.
- Kadib markaan dareennay ama aan aragnay in aan la heleynin hogaan guud oo dhaqan oo ka shaqeeya cadaalad, kana dhaxeeya beesha sade, ayay beesha Talxe Amaareer iyada oo xog ogaal buuxa u ah wixii soo maray 20kii sano ee lasoo dhaafay iyo hogaan dhaqmeed la’aantii iyo cadaalad daradii soo martay dhamaan beesha sade, waxay go’aansatay in uusan jirin wax hogaan dhaqan ah oo ay beesha Talxe la wadaagto beel weynta Sade, balse ay beesha gooni u leedahay hogaan dhaqmeed, kaas oo ah ugaaska guud ee beesha Talxe oo ah Ugaas Cabdi Buule Xasan Dabac.
Sidoo kale, waxay beesha Talxe Amaareer soo dhawaynaysaa cid alaale iyo cidii ka shaqaynaysa nabada iyo horumarka gobalka Gedo iyo guud ahaanba geyiga Soomaaliya, iyadoo lawada ogsoonyahay in ay beesha Talxe ku caan baxday nabad jaceyl iyo samir, isla markaana aysan ka qeyb qaadan colaadihii ka dhacay gobalka Gedo.
Baqaan waxaa si wada jir ah usoo saaray odayaahsa magacooda hoos ku xusan yahay:
1. Ugaas Cabdi Buule Xasan (Dabac), ugaaska beesha Talxe Amaareer.
2. Macalin Ibraahin Nuur Shacbaan, ku xigeenka Ugaaska
3. Nabdoon Cabdi Shiiloow Dhaqane
4. Nabadoon Maxamed Cali Aden (Geesdiir)
5. Nabdoon Ibrahim Adan Buule Cabdi Kooshin
6. Suldaan Axmed Muuse Aamiin
7. Xildhibaan Xasan Cumar
8. Col. Maxamuud Bare Qaasim (Qoslaaye)
9. Maxamed Yaquub Cilmi.
Bayaankaan waxaa lagala xariiri karaa saddexda nin ee hoose oo ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan Gudiga Farsamada ee beesha Talxe:
1. Cabdi Rashiid Abdi Adan Buule
madaxa Gudiga Farsamada beesha Talxe
bulle04@hotmail.com
2. C/qadaair Cali Isaaq (Jeeri)
xubin Gudiga Farsamada
jeyborso3@hotmail.com
3. Yuusuf Maxamed Bayoow
xubin Gudiga Farsmada
yuusuf500@hotmail.com





