Xildhibaano kulan ka yeeshay sifeynta Al Shabaab ee gobolka Gedo
Balad-Xaawo: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku qaatay gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan qaban qaabadii ugu dambeysay oo gobolkaasi looga sifayn lahaa Al Shabaab.
Kadib kulan ay maanta ku yeesheen gobolka Gedo Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay kawada hadleen arimo badan oo ka mid ah sidii gobolkaasi looga saari lahaa qeybaha ay kaga harsan yihiin Xarakada Al Shabaab.
Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayaa waxaa Idaacadda Shabelle la hadlay Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye oo sheegay in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku guulaysteen in inta badan Magaalada Muqdisho ay ka saaraan Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in iminka gobolka Gedo ay ka wadaan qorshihii u dambeeyay oo looga saari lahaa Al Shabaab.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in iminka gobolka Gedo uu ka socdo qorshihii u dambeeyay ee Ciidamada dowladda ay kaga saari lahaayeen Al Shabaab degmada Baardheere, Buurdhuubo iyo deegaano kale oo ka mid ah gobolkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.
C/raxmaan Yuusuf Diiriye ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada dowladda KMG ah Dufcadii Sadaxaad loo soo gaba gabeeyay tababar, waxaana uu carabka ku dhuftay in Ciidamadaasi qaarkood iminka ay howlgallo wadaan, isagoo tilmamay in meel waliba oo ay ka saaraan Al Shabaab ay xaqiijinayaan amaankeeda islamarkaana ay u sameynayaan guddi amni sida uu hadalka u dhigay.
Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaalo iyo duqeymo xooggan oo u dhaxeeyo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, iyadoo ay xusid mudantahay in Saraakiil ka tirsan dowladda ay horey uga cago jugleeyeen Al Shabaab
http://shabelle.net/article.php?id=11289