Wararka naga soo garaya Magalada balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa tibaxaya in manta Magaladaasi uu soo Garay Xildhabaan Barre Adaan Shire Barre Hiiraale iyo Sarakiil kale oo la socota.
Xildhabaan ka ayaa waxaa si weyn logu soo dhaweyay Magalada Balad xaawo ee Gobolka Gedo waxaana isla markiba u bilabay Dhaqdhaqaqyo u ku donaayo in uu dib Boorka uga jafo Ciidmada Dowlada kmg ah ee ku sugaan Gobolka Gedo oo wayahaan ay soo wajahaday dib u dhac bahsan .
Warar anu si hoose ku helnay ayaa Shegaya in Xildhibaanka uu Booqan doono guud ahan Dagmoyinka Gobolka Gedo iyo dhamaan Deganada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlusunna Waljamaac.
Wafdiga u horkacayay Xildhabaab Barre hiraale ayaa hada kulamo la leh Saraakisha Ciidamada Dowlada iyo Maamulka Gobolka Gedo waxaan wada hadaladaasi dirada lagu saraya sidi Ciidamada Dowlada kmg ah ay ugu dhaqaaqi lahayeen Deeganada ku harsan gacanta Alshabaab ka dib na lagu sii gudbi laha Gobolada Jubboyinka iyo Bay iyo Bakool.
Xildhaban Barre aadan Shire Barre Hiraale ayaa waxa lagu wada in uu Saldhig ka dhigaan doono Dagmada Garileey oo ku taala Xaduuda kala qaybisa Gobolka Gedo iyo Gobolada jubboyinka.
Booqashada uu Xildhibaan Barre hiraale ku marayo Dagmada Balad xaawo iyo dagmoyinka kale ee Gobolka ayaa waxaay Sare u qadaysa moraalka Ciidamada Dowlada ee ku sugan Dagmoyinka Gobolka Gedo.




