Waxaa wali Magalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka socda Dhismaha Garoonki ugu weyna ee laga Hergaliyo Gobolka Galgaduud .
Garoonkan ayaa waxaa laga dhisaaya Duleedka Dagmada Cabudwaaq Waxaana dhimihiisa Iska kashanaaya Hay.ada ICRC iyo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca.
Garoonkan oo aan ahayn Garoonki hore ee Diyaaradaha ee Magalada Cabudwaaq aya waxaa ku baxayasa lacag aad u badan waxaa una noqon doona mid ka mid ah Garoomada ugu waa weyn ee ku yaala gobolada Somalia.
Dhismaha goroonka ayaa waxaa u wax ka badali doona Isku xirka Dadka u dhashay Waqooyiga Galgaduud ee Dibada Kunool iyo kuwa gudaha ku nool waxaa uu sido kale qayb weyn ka qadanaya Sare u qadista Ganacsiga Waqooyiga Galgaduud.
Waxaa lagu wada in garoonkani ay isticmaali doonan Diyaaradaha Qada rakaabka Sida DAALLO AIRLINE iyo JUBBA AIRWAYS taas oo Dadka ka soo jeeda deeganada Waqooyiga Galgaduud u sahli doonta in ay si fudud uga soo dagaan Cabudwaaq meel walba oo ay ku noolyihiin.
Shacabka ku nool Dagmada Cabudwaaq ayaa siweyn uu soo dhaweyay Dhismaha Garoonka Calamiga ah ee laga hergalinayo Magaladaasi waxayna ku tilmaameen hormar u soo siyaaday guud ahan waqooyiga Galgaduud.
Magaalada Cabudwaaq aya waxaay horay u lahayd Airport yar oo ay Inta badan isticmalaan Diyaaradaha Hay,adaha Gargaarka basle kani waxaa u noqon doona mid ay isticmaalan Diyaaradaha Rakaabka qada iyo kuwa Hay,adaha Gargaarka.
———————————–
Axmed Maxamuud Xasan Turaabi
Caabudwaaq- Somalia