admin | Nov 03, 2011 | 0 comments
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si toos ah ula wareegeen hogaanka dagaalada ka socda Konfurta Somalia gaar ahan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Wasiirka waxaa u intaas ku daray in Ciidamada Kenya ee gacanta sinaya kuwa Dowlada Somalia ay ku socon doonan Amarka Taliyaha Ciidamada Xoga ee ay wasaarada Gashandhiga u magacowday in u hogamiyo Howlgalada ka socda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo ah Gen.Yusuf Dhuumaal.
Mudane Xuseen Carab Ciise aya shegay in la waregida Hoganka Ciidamada Howlgalada ka wada Jubboyinka iyo Gedo ay ka mid ahayd Heshiiski ay Dowladaha Kenya iyo Somalia ku saxiixdeen Magalada Nairobi ee Wadanka Kenya.
Wasiirka oo Safar Shaqo ku jooga Gobolada Jubboyinka aya waxaa uu shegay in ladardar galin doono howlgalada Ciidamada Xoga dalka Somalia ay ka wadaan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaa una shegay Ciidamada Somalia oo kashanaya kuwa kenya in ay Dhawaan gudaha u gali doonan Magaalo Xeebeedka Kismaayo iyo Magaaloyinka kale ee uu dhaqaaluhu ka soo galo Xarakada Alshabaab.
Hadalka Wasiirka aya waxaa u kus o begmaya Xili jahwarar badan uu ka tagna Cida hogaaminaysa Howlgalada Baxada weyn ee ka socda Gobolada jubboyinka iyo Gedo hadalka wasiirka marka la macneeyo waxaa uu gabi ahan meesha ka saray in Maamulka Azania u qayb ka yahay Howlgalada ka socda Jubboyinka iyo Gedo
——————————————-
Xasan Qaliif
Kismaayo-Somalia







