waxaa shalay Galinkii Danbe Kulan ku yeeshay Magaalada Kambala ee Caasimada Uganda Jaaliyada Beesha sade ee Dagan magaalada Kambala kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen Urur dhalinyaro oo ka dhisan Magaalada kambala oo Ay ku midaysan Yihiin Dhalin yarada Beesha sade.
shirkaas oo kadhacay hotelka wayn ee Day to Day shirkaas ayaa waxaa ka soqayb galagay xubnaha kala duwan ee beesha sade sida culuma owdiinka hooyoyinka odaayasha haweenka dhalin yarada ganacsatada Iyo Qaybaha kala duwan ee Beesha sade Ee Ku dhaqan Wadanka Uganda.
Kulanka oo looga hadlayay sidii Beesha sade Loogu dhisi lahaa Maamul Midaysan ayaa waxaa la isla Meel Dhigan in Goobaha ay Beesha sade Degto Sidii loogu heli lahaa Goobo Caafimaad oo waawayn iyo Iyo Jaamacado.
Dadkii kasoo qayb galay Kulankaasi ayaa waxay Isla Garteen in Beesha loo Dhiso Maamul Mideeya Lagana Gudbo wax walba oo Khilaaf ku keeni Kara Horumarka Deegaanada Ay Beeshu Degto