Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Beesha Talxe amaareer oo kamid ah beelweynta Sade ayay uga hadleen arimo ku saabsan horumarinta deegaanada ay beeshu degto ee Gedo iyo Jubooyinka.
Kulanka oo ka dhacay Safari Hool ee magaalada Mineapolis ee dalka Mareynkanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay jaaliyadda qurba joogta beesha Talxe, waxaana kasoo qeybgalay Aqoonyahanno, Dhalinyaro, Haween iyo Culumaa’udiin intooda badan ahaa ururka Jaaliyadda Beesha Talxe ee Waqooyi America, iyadoona ay shirka qadka teleefonka uga qeybqaadanayay xubno ku sugan qaaradaha Australia, Europe iyo Africa.
Kulanka ayaa waxa ugu horeeyn lagu furay aayado Qur’aan oo uu aqriyay Sheekh Aadan Cali Aadan, intaa kadibna waxaa si toos ah u bilowday kulanka, iyadoona uu xiriiriye ka ahaa Cali Maxamed Muuse.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Prof: C/rashiid Max’ed Santuur, oo isagu goobta kusoo bandhigay warbixin dheer oo ku saabsan barnaamij horumarineed oo ay hore uga hirgeliyeen deegaanada ay Beeshu degto ee Jubooyinka iyo Gedo, isagoona sidoo kale u mahadceliyay shaqsiyaad ay kamid ahaayeen Sonkoreey Xareed, Xamdi Diyaad, Shamso Cabdi Cumar, Cabdirahmaan Mohamed Khaliif iyo Xaaji Cabdi Sabtow Xidig, kuwaasoo uu ku amaanay waxqabad la taaban karo oo ay ka sameeyeen deegaanada ay beeshu degto ee Jubooyinka iyo Gedo.
Prof: Santuur ayaa sidoo kale soo bandhigay barnaamijta horyaal waxgaradka beesha ee u baahan in wax laga qabto, kuwaasoo ay ugu muhiimsanyihiin buu yiri sidii deegaanada ay beeshu degto looga hirgelin lahaa Iskuulo, goobo caafimaad iyo weliba dugsiyo waxbarasho, arimahaasoo uu sheegay in ay lagama maarmaan u yihiin nolosha bulshada.
Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Gudoomiyaha qurba joogta Beesha Talxe ee dalka Mareykanka Mudane C/laahi Aaden Xaashi, isagoona siweyn uga hadlay barnaamijta waxka qabashada u baahan ee horyaal jaaliyadda Beesha ee dalka Mareykanka iyo weliba arimo badan oo ku saabsan marxaladda uu dalka marayo iyo dowrka siyaasadeed ee ay beeshu ku leedahay isbedellada dalka ka dhacaya.
"Waxaan jeclahay in aan halkaan uga tacsiyeeyo anigoo aad uga walaacsan dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay duqeymihii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana ugu baaqayaa madaxda dowladda KMG iyo Kenya in ay shacabka dhibaatada ka daayaan oo laga fiirsado goobaha la duqeynayo," ayuu yiri gudoomiyuhu hadalkiisa ku daray.
Kulanka ayaa waxa qadka teleefonka uga qeybqaadanayay waxgarad iyo arday wax ka barata qaar katirsan qaaradaha Africa, Europe iyo Asia, kuwaasoo iyaguna laga dhageystay fikirkooda ku aadan mowduucyadii laga hadlayay, sidoo kale haweenka ayaa iyaguna qeyb ka ahaa dadkii goobta ka hadlay.
Shirka ayaa waxa sidoo kale ka hadlay waxgarad iyo aqoonyahanno ay kamid yihiin gudoomiye kuxigeenka ururka qurba joogta Beesha Talxe Cabdulaahi Gaarane Duurow, Cabdiraxmaan Mahomaed Khaliif Dhuunkaal, iyo Ustaad Mohamed Yuusuf Hasan (Gaagaale).
Gabagabadii Shirka ayaa waxa shahaado sharaf la gudoonsiiyay qaar katirsan qabanqaabiyeyaashii shirka iyo shaqsiyaad waxqabad la taaban karo ka sameeyeen deegaanada ay Beeshu Degto ee Jubooyinka iyo Gedo.








