War Deg Deg Ah Dagaal 15Qof ku dhinteen oo ka dhacay G/Liibaan Ee Ismaamulka somalida Ethiopia.
Wararka Naga soo Gaaraya Gobolka Liibaan ee Ismaamulka Soomalida Ee Dalka Ethiopia ayaa Tibaaxaya In Maanta Deegaanka Lagu Magacaabo dheeka ee ka tirsan Gobolka Liibaan uu Dagaal Xoogan ka dhacay.
Inta la ogyahay waxaa Dagaalkaasi ku Geeriyootay 15 Qof oo ah dhinacyaii Dagaalamaysay Halka Tiro Intaasi ka badana ay dhaawacyo soo Gareen ayadoona Labada dhinac ay Kala qabsadeen Hub Iyo Baabuur Shidaal.
Dagaalka ayaa Bilowda Abaare 11kii subaxnimo Xiliga Geeska Afrika waxaana Uu Dagaalku iskii u istaagay 2Dii Duhur Nimo.
Dagaalkani ayaa u dhaxeeya Sida uu Warqabadka Yamaarugleey.com Ee Magaalada Addis Ababa u sheegay Mid kamid ah Dadka Deegaanka Laba Beelood oo Horay Ugu Muran sanaa Lahaanshaha Degmada Dheeko.
Majirto wax wara oo kasoo Baxay DDSI Ee Ku aadan Dagaalka Labadaasi Beelood oo Kal Hore Xur Gufi ku dhex Martay Deegaankaasi ayadoona Ay DDSI Wareegto kasoo baxday Degma Loga dhigay Dheeko ilaa iyo Xiligaase wixii ka danbeeyana Ay soo Jiitamaysay Muranka Cidi Maamulaysa Degmada Cusub.
Labadani Beelood oo Kala ah Beesha Reer Xasan Iyo Dagoodi ayaa Iminka u muuqata Mid Dagaalkoodu uu Cirka isku sii Shareerayo kadib Dagaalkii Maanta ka dhacay Halkaasi.