Wararka ka Imaanaya Ismaamulka Soomaalida Ee Wadanka Itoobiya ayaa Tibaaxaya In Ay Maanta Xiisad Colaadedka Taagantahay Degaano ka tirsan Gobolka Liibaan oo dhawaan ay Dagaalo Xoogan ku dhex Mareen Labo Malayshiyo Beeleed oo wada Daga Halkaasi.
Wararkii Ugu Danbeyay ee kusoo dhawacaya Warqabadka yamaatugleey.com ee Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Xalay Lagu Dilay Labo Qof oo rayid ah Deegaano Hoos taga Magaalada Nagayle Labadani Qof ayaa la sheegayaa in ay u socdeen Gobolka Gedo Gaar Ahaan Magaalada Doolow Halkaasi oo ay Dagan Yihiin Qaraabada Labadaasi Nin.
Qaar Kamid Ah qaraabada Labadaasi Qof ayaa u sheegayyamaatugleey.com in Gaariga kala Dageen Labadani Qof Xalay Saqdii Dhaxe Malayshiyo kasoo Jeda Qabiilka Dagooyaha ayadona ay Halkaasi ku Dileen.
Labadani Qabiil ayaa Mudo Dhowr Cisho Ka hor waxay Dagaalo Qarar ku dhex Mareen Degmada Dheeko Halkaasi oo ay iskaga Dileen Dad Farabadan Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Booliska ayaa lasoo sheegayaa in ay Deegaanadaasi Gaareen.
Xiisad Colaaded ayaa Maanta ka taagan Deeganadaasi ayadoona ay Maalmihii Ugu danbeyay Cirka Isku Shareeraysay Dagaalka Labadaasi Beelood waxaana ay Haatan Malayshiyada kala Taabacsan Labada Qabiil ee Reer Xasanka Iyo Dagooyaha ay kala Joogaan Deegaanka Fiilto iyo Dheeko Halkaasi oo ay iskugu Hub Aruursanayaan.
Mid kamid ah Odayaasha Ku dhaqan Magaaladaasi oo aan xiriir la samaynay ayaa noo sheegay in ay Wadaan waan waan lagu qaboojinayo Xiisadaasi Wuxuuna intaasi ku daray in ay Haatan Ciidamada Labada Beelood lakala dhex Dhigay Ciidamo ka socda Itoobiya,
Dagaalkii Maalmo ka hor ka dhacay Degmada Dheeka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay Khasaarooyin Xoogan ka dhasheen oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawacyo soo kala gaaray Labadaasi Qabiil.
http://kismaayo24.com/?p=25783




