Cabdiqani Sh. Cali Diini oo ah Guddoomiyaha Ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) ayaa xabad joojin shuruud la’aan ah ugu baaqay laba beelood ee Soomaaliyeed oo ku dadagaalamaya deegaanka magaalada Fiilato ee hoos tagata gobolka Liban ee ismaamulka dhulka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uga tacsiyeeyay qoysaskii ay dhibaatada kasoo gaartay dagaaladaas.
Guddoomiye Cabdiqani Sh. Cali Diini oo aad uga xun dagaalkaas u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ayaa yiri “marka hore, waxaa aniga oo aad uga xun dagaalada ka socda deegaanka Fiilato ee gobolka Liban tacsi u dirayaa qoysaska labada beelood ee walaalaha ah ee ay dhibaatada kasoo gaartay, marka labaadna waxaan odayaasha, culumaa’udiinka, aqoon yahanada iyo wax garadka rag iyo dumarba leh ee kasoo kala jeeda labada beelood ee ay dirirta u dhaxeysa ka codsanayaa in ay shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka socda.”
Mudane Diini ayaa waxaa kale oo uu yiri “waxaa muhiim ah in ay mas’uuliyiinta beelaha ku dagaalamaya deegaanka Fiilato ogaadaan in ay yihiin dad walaalo ah, xabad iyo gacan ka hadalna aanay marnaba xal keeni karin, balse loo baahan yahay in wixii qilaaf iyo isafgaran waa ah lagu xaliyo wada hadal ku dhisan is-xaqdhowr walaaltinimo.”
Dhanka kale, guddoomiye Cabdiqani Sh. Cali Diini ayaa saxaafadda u sheegay in uu dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay la xariiray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta beelaha ay dirirta u dhaxeyso, kuwaasoo sida uu sheegay uu ku booriyay in la joojiyo gacan ka hadalka, wixii qilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal ehelnimo.