Odayaasha Gobolka Gedo oo baaq nabadeed u diray beelaha Reer Xasan iyo Dagoodiye ee ku dagalamaya Gobolka Liibaan ee Ismaamulka Somalida

Nabad
Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka,culima-awdiinka siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka ayaa shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo kaasi oo looga hadlayay dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday Deegaanno ku yaallo gobolka liibaan ee dalka Ethiopia oo ay ku dagaalameen beesha Mareexaan sade iyo Beesha kale ee Dagoodiye.
Waxgaradka degmada Beled-Xaawo ayaaa soo saaray baaq ku wajahan dagaalladaasi iyo sidii lagu joojin lahaa islamarkaana looga hortagi lahaa dagaaladaasi, waxaana ay sheegeen ay in ay diyaar u yihiin wax walba oo lagu xallinayo sidii lagu qaboojin lahaa colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah islamarkaana ood wadaagta ah.
Dagaalladan ayaa waxaa ay salka ku hayaan hab deegaamaysi dhawaan lakala qaybiyay kuwaa oo ay qabaa’illadu ku heshiin waaayeen waxaana deegaaanka lagu dagaalamay uu yahay deegaanka lagu magacaabo Xayo-Sufti iyo Dhekaa, oo ku yaalla agagaarka degmada Nageyle ee Gobolka Liibaan ee dalka Ethiopia.
Nabadoon Idiris Cabdi Aadan oo kamid ah Nabadoonadii shalay kulanka ka qayb galay ayaa warfidiyeenada u sheegay in aanay marnaba raalli ka ahayn waxa ka dhacay deegaannadaasi waxaana uu nabadoonku intaa ku daray in ay gobol nabadeed u fidinayaan beesha walaalohood ah oo uu dagaalku dhexmaray.
Nabadoonku waxaa uu intaa raaciyay in ay gogol dhigayaan degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari dalka kenya halkaa oo ay ku casuumi doonaan waxgaradka beesha dagoodiye si loo dhameeyo khilaafaadkaasi.
dagaalladan oo dhacay muddo maalmo ka hor ah ayaa ka tagay qasaao isugu jira dhimashi iyo dhaawac iyadoona ilaa iyo haatanh aanay jirin cid kala dhexgashay beelahaasi.