The Sade politicians in Xamar have declared that they are leaving TFG and they are going to support Dr. Ducaale's formation that is gonna take place in Gedo next month. Cali Mataan has just confirmed that he has left the TFG parliament and he is no longer a MP and other Sade MP's likewise.
Thinks are looking heated
Muqdisho, Somalia (AOL) – Odayasha, Siyaasiyinta, Wax garadka,Hawenka & dhalinyarada ka soo jeedo Besha Sade ee ku nool magaalda Muqdisho ayaa wax aan jirin ku tilmaay kana soo hor jeestay maamul ay Dawlada DKMG ah ee Somalia u magacawday Gobolka Gedo taasi oo ay sheegeyn in aysan la socon isla markaana uusan ahayen maamulkaasi mid ay ka war hayaan dhamaan bulshada reer Gedo iyo dadka kale ee ku nool gobolka Gedo.
Nabadoon Cali nuur Buule (Mataan) oo ka mid ah Nabadonada & wax garadka besha Sade ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in ay dawladda Soomaaliya, gaar ahaan madxaweynha iyo ra’isalwasaaha aysan awood u laheyn in ay Afduubaan beelaha dego Gobolka Gedo, waxuuna sheegay in aysan macna badan laheyn maamul uusan dadku ka tashan raalina laga aheyn ee lasoo dhoodhoobay.
Wax garadkaan ku shiray Muqdisho ayaa Sheegay in dhawaan ay maamul u sameyn doonaan gobolka Gedo kana Qeybgelin doonaa dhamaan beelaha dego gobolka Gedo, isla markaana baaq ay u direen Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu sheegay in ay dowladda farha kala baxdo arimha gobolka Gedo, waxii maamul u sameyn ahna looga baahanyahay bulshada ku nool gobolka Gedo.
——–
Cabdiqani Maxmed Bayoow, Muqdisho/Somalia.




