Dilkii Suldaan Siciid oo Laga Murugooday iyo Maydkii oo Dhabad Lakeenay.
January 19, 2012 | Filed under: Latest News | Posted by: Editor
Dhabad:(GMN) Nabadoon Siciid Cismaan Faarax (Siciid Shoobare) oo Saakay Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo Ayaa dhamaan Bulshadda Kasoo jeeda Deegaanadda.Caabudwaq,Dhabad iyo Balanbal Ayaa Cambaareeyay Dilkii Saaka loo gaystay nabadoonka.
Siciid Shoobare oo Deegaanadda Galgaduud iyo Mudug looga yaqaanay Suldaan Siciid ayaa la xaqiijiyay in loo dilay aano qabiil ayadoo la cadeeyay in dilkaasina aay ka dambeeyeen beel kamid ah beelaha ku abtirsatta maamul Goboleedka Puntland.
Ilaa iyo hadda Wali gacanta laguma soo dhigin dablaydii ka dambaysay dilka Suldaanka ayadoo la xaqiijiyay inaay ku labisnaayeen darayska Ciidamadda Maamulka Puntland.
Sikastaba ha ahaatee Waxaa Goor dhawayd Magaaladda Dhabad la keenay Maydka Marxuunka oo Aaay Galbinayaan Baabuur badan ayadoo dhanka kalena Usku soo bax murogo Watta laga dareemayo Deegaanka dhabad oo haatan uu ka socdo Aaska Suldaanka.



