http://www.allgedo.com/2012/01/25/xildh ... dhibaanka/
Dhanka kale, Xildhibaanka oo wax laga weydiiyay in uu ka warhayo iyo in kale maamul goboleed la yiri waxaa la yiraahdaa Jubaland State oo dhawaan looga dhawaaqi doono magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxuu ku jawaabay “maya, walaahi wax lagu qoslo weeye. Horta raggu inay hami leeyihiin oo wax raadiyaan way fiican tahay, laakiin aniga ilama quna in Columbus, Ohio iyo dalal kale toona laga doono maamul goboleed. Marka, ciddii u dhalatay dhulkaan ee dooneysa in ay ka qeyb qaadato maamulka iyo horumarka dhulkiisa, waxaan ku casuumeynaa gogol la dhigi doona bilaha soo socda oo ay kasoo qeyb gali doonaan qeybaha kala gedisan ee bulshada ee haka soo qeyab galo gogoshaas, balse wixii intaas ka baxsan waa arrin iska riyo ah oo uu qof sameeyay umana maleynayo in ay miro dhaleyso.”
Wareysiga xildhibaanka oo aad maqal kaga bogan doonto ayaa waxuu kusoo gebo-gebeeyay “maamul goboleed kasta oo dibadaha lagu soo dhoodhoobo waxuu ku danbeyn doonaa bur-bur, waana la ogyahay halka uu ku danbeeyay kii la magac baxay Azania ee kal hore lagu soo dhisay dalka aan jaarka nahay ee Kenya, ku meel kasii fog lagu soo dhisayna warkiisaba daa.”




