Raiisal wasaaraha Doowladda KMG Soomaaliya ayaa guddi xildhibaano ah usaaray xalinta mushkillada ka aloosan dagmada Gaalkacyo taas Oo kadhalatay dil halkaas loogu geestay Alaha unaxariistee Sudaan Saciid Cismaan Faarax Shiil oo dil bareer ah loogu geestay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Horaan Todobaadkii Tagay.
Gudigaan xildhibaanada ah oo uu Raiisal wasaaruhu u xilsaaray xal kagaarida Amuuraha murugsan ee kataagan halkaas ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa iyo toban xildhibaan oo is kugu jira xildhibaanada beesha Sade iy xildhibaano kasoojeeda maamul gobaleedka Puntland ,waxaana hogaaminayo xildhibaanadaan Xuseen Warsame Samatar .
Xildhibaanadaan ka socda doowladda KMG ah ayaa lagu wadaa in maal maha nagu soo fooleh aay gaaraan Gaalkacyo oo la sheegayo in xaaladeedu tahay bariga dhaxe dad farabadan oo caan ka ahaana aay boorsooyinkoodaka xir xirteen magaalada Kadib markii ladilay suldaan saciid kuwaas oo ka cabsi qabay in la bartilmaamedsado .
Ilaa iyo hada majiraan wax dhex dhaxaadin toos ah oo laga dhexsameeyay qabiilka uu suldaanku ka dhashay iyo qollada dishay.
Ayada oo la sheegayo in aay halkaas gaareen ciidamo farabadan oo uu hogaaminayo Col Xassaan Samatar Xasan Low kuwaas oo hada ku sugan Gaalkacyo .
Xildhibaanada ka anba baxayo magaalada muqdisho ayaa laga filayaa in aay u bilaabaan dhex dhaxaadin toos ah oo loogu kala dabqaadayo ama lagu soo afjarayo shilka meesha ka dhacay ee lagu dilay suldaanka.Wixii kusoo kordha bixitaanka xildhibaanada loo dirayo magaalada gaalkacyo xarunta gobolka mudug waxaad kala socon doontaan wararka danbe Insha Allah



