
Mid Ka Mid Ah Beelaha Gedo OO Doortay Suldaan
Geed-weyne Sooyaal News Network
Midka mid ah beelaha somaliyeed ee ku nool deegaanada gobolka gedo
ayaa doortay suldaan kadib xaflad balaran oo ka dhacaday deegaanka
gedwayne ee gobolka gedo Xaflad balaaran oo ka dhacday deegaanka
gedwayne eegobolka gedo ayaa waxaa ka soo qayb galay ugu yaraan 500 oo
isugu jiro qaybaha bulshada iyo somalida deegaanka kuwada nool beesha
reer axmed oo ahayd beesha dooratay suldaanka ayaa u dooratay
suldaanka SHAALE CIBAAD BULXAN
Shaale oo ahaa wiil uu dhalay odaygii mudabo dhinaca dhaqanka u
hogaaminayey beeshaas ayaa waxaa uu geeriyooday sanadii 2004tii alaha
u naxariistee nabadoon cibaad bulxan oo ahaa wiilka manta ay caleemo
saaratay beesha Reer Axmed Shaale cibaad bulxan qaar kamid ah
odayaasha ayaa u hanbalyeey suldaanka cusub waxaana ay allauga baryen
in uu la garab galo xilka manta loo igmaday ee dhaqanka
Odayaasha caanka ah ee goobtaasi ka hadashay aya waxaa ka mid ahaa
deerow cabdile macalin dhitay iyo odayaaal kale oo uu kamid ahaa
gudoomiyaha degmada gedwayne macalin xasan waxaana dhaman ay isku
fikir ka ahaayeen doorashada dhaqankaasi
Gabo gabadii ayaa sida dhaqanka somalida ay ahayd waxaa marqura kor
looqaaday suldaan SHAALE CIBAAD BULXAN waxaana sidoo kale arintani
soo dhaweeyey dhamaan beelaha wadav daga gobolka gedo

http://sooyaalnews.com/2012/01/mid-ka-m ... n-sawirro/




