Beled-Xaawo Saadaal Media
Taariikhdu markay ahayd Febraayo 10, 2012, magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay shir socday 5 maalmood. Shirka waxaa soo abaabulay odayaasha waxgaradka ee beesha Reer Maxamed Xuseen Reer Yabar. Shirka oo lagu casuumay waxgaradka beelaha kale ee degaanka waxaa lagaga wada hadlay arrimahan:
1. Ka shaqaynta nabadda deegaanka guud ahaan
2. Xoojinta midnimada beesh Reer Maxamed Xuseen
3. Tusmaynta baahida beesha iyo sida wax looga qaban karo
Odayaasha iyo dad weynaha shirka isugu yimid waxay ka kala yimaadeen magaaloyinka kala ah Luuq, Doolow, Geedweyne, Buurdhuubo, Baardheere iyo Beled Xaawo oo dhamaan tood ka tirsan Gobolka Gedo.
Abaabulayaasha shirka waxaa ka mid ahaa:
1) Gudoomiyihi hore ee Degmada CeelWaaq, Cabdullaahi Cabdille Calas
2) Maamul ku xiggenkii hore ee warshadii Balcad, Aden Faliir Ismaaciil
3) Cali Xaaji Daahir Cismaan, hogaamiyaha beesha Reer YabarXuseen
Aden Faliir Ismaaciil oo shirka ka hadlay hadaladiisi waxaa ka mid ahaa, “ Waxgaradka iyo odayaasha beelaha Bahwaynta Reer Sade waxaan ugu baaqaynaa haddaan nahay ReerYabar Xuseen, in ay iclaamiyaan shirwayne aan loo kala harin, shirkaasna waa in loo qabtaa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaana saameeyey dib u dhac dhankasta ah; xag nololeed, xag nabadeed, xag caafimaad iyo gaar ahaan hogaamin xumo.” Aadan oo hadalkiisi sii wata wuxuu yiri, “ Caleema saarka ugaaska cusub ee Sade annagoo ka faa’iidaysanayna, waa in aan xallinnaa dhibaatooyinka na horyaalla.”
Natiijadii Shirka
Shirkaa beesha Reer Yabar Xuseen yeelatay qodobadii ka soo baxay waxaa ugu muhimsanaa arrimahan hoose:
Arrimaha beesha gaarka u ahaa oo la is la fahmay ka sokow, xubnihii shirka waxay si buurdo u taageereen Ugaaska Sade ee hadda lagu caleemasaarayo.
Goobjoogayaashii shirka waxay soo dhaweeyeen, taageereena Dawlad goboleedka Jubbaland iyo Madaxweynaheeda, Dr. AXmed Faarax Ducaale.
Waxay ku baaqeen shir guud oo beelaha gobolka u dhanyihiin oo uu Ugaaska horseed u yahay si degdeg ah loo qabto si dhibaatooyinka jira loo xalliyo.
Beesha shirka abaabushay waxay goobta shirka ku doorteed guddi beeleed ka kooban 14 oday oo uu gudoomiye u yahay Cali Xaaji Dahir Cisman.