Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Lower Jubba University opened in Kismaayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Lower Jubba University opened in Kismaayo

Postby Adali » Fri Mar 16, 2012 12:38 pm

Jaamacad Cusub oo lagu magacaabo Lower Jubba University oo laga furay Kismaayo
admin | Mar 15, 2012 | 1 comment

Waxaa magaalada Kismaayo markii ugu horeeysay laga hirgeliyay jaamacad lagu baran doono culuumta la xiriirta caafimaadkaa oo lagu magacaabo Lower Jubba University.

Jaamacaddan ayaa furitaankeeda waxa gacan weyn ka geystay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka islamarkaasina ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyadoona jaamacadani ay wax ku baran doonaan ardeyda Jecel in ay ku taqasusaan culuumta dhanka caafimaadka.

Jaamacadda Lower Jubba ayaa waxa ay ka koobantahay kuliyadaha kala ah: kuliyadda Kaalkaalinima (Nurse), Farsamada Sheybaarka (Lab Technician) iyo kuliyad lagu baran doono umulisonimada (Midwifery).

Furitaanka jaamcadda ayaa waxa siweyn usoo dhaweeyay ardayda ka baxday dugsiyada sare ee ku dhaqan magaalada Kismaayo islamarkaasina daneeya culuumta dhanka caafimaadka.

Sidoo kale jaamacadda ayaa waxa lagu baran doonaa Daraasaadka Islaamka, Waxbarashada, Qeybta machadka Jaamacadda ee diyaarinta ardayda ay mar hore ugu danbeeysay waxbarashada.

Siraaje Aadan Max’ed oo kamid ah madaxda Jaamacadda ayaa HOL u sheegay in Jaamacadda ay noqoneyso tii ugu horeysay oo dhanka Caafimaadka ah oo laga hirgeliyo Jubooyinka, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay dadkii dadaalka ku bixiyay furitaanka Jaamacadda Lower Jubba University.

Jaamacaddani ayaa waxay noqoneysaa tii labaad ee laga furo magaalada Kismaayo, iyadoona ay magaalada hore uga jirtay Jaamacadda Kismaayo University, waxaana tallaabadani ay noqoeysaa mid dhiirigelisa ardeyda ka qalinjebisay dugsiyada sare ee jecel in ay sii wataan waxbarashadooda.

Source.HOL

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests