Page 1 of 1

major Alshabab leader defects from ALshabab and surrenders

Posted: Sun Mar 18, 2012 2:54 pm
by Adali
Hogaamiye ka tirsana Al-Shabaab kana soo jeeda gobolka Gedo oo Dowlada isku soo dhibay
admin | Mar 18, 2012 | 0 comments

Sheekh Xudeyfi Maxamed Xasan “Abuu Muscab” oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu iskaga soo goystay Xarakada Al Shabaab oo dagaalo culus kula jirta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Sheekh Xudeyfa Maxamed Xasan ayaa wuxuu isku soo dhiibay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, wuxuuna Xarakada Al Shabaab uu ku eedeeyay mid dhibaato baahsan ku heysa Shacabka Somaliyeed.

Ciidamadda Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya oo uu isku soo dhiibay Sheekh Xudeyfa, ayaa waxay ku soo bandhigeyn Madaxtooyada Soomaaliya, isla-markaana waxaa ka soo qeyb-gallay soo bandhigidiisa Saraakiisha Dowladda.

Sheekh Xudeyfa Maxamed Xasan ayaa wuxuu Deegaan ahaan uu ka soo jeedaa Deegaanada Soomaali Galbeed, wuxuuna degnaa intii badneyd Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo oo u qaabilsanaa Ciidamadda Amniyaadka ee Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in uu khalad iyo dambiba uu ka gallay Ummada Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay iska cafiyaan, isla-markaana wuxuu balan qaaday inuusan dib dambe uga mid noqon doonin Saraakiisha Al Shabaab.

Sidoo kale Ciidamadda Amisom iyo Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu ka aaminsanaa ra’yi khaldan, laakiin wuxuu sheegay inaysan noqon sidii uu u maleynaayay, isla-markaana wuxuu soo dhaweeyay inay cafis u fidiso Dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Sheekh Xudeyfa Maxamed Xasan, uu ku biiray Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay diyaar u yahay inuu la-shaqeeyo.

Re: major Alshabab leader defects from ALshabab and surrende

Posted: Sun Mar 18, 2012 3:20 pm
by FBISOMALIA
Abuu Muscab” surrender to TFG if its true it will be the big blow to alshabab

Re: major Alshabab leader defects from ALshabab and surrende

Posted: Sun Mar 18, 2012 4:20 pm
by The_Patriot
So he is one of the Sade leaders to go Awol Seems like Fillow dude will follow his ina adheer.

Re: major Alshabab leader defects from ALshabab and surrende

Posted: Wed Mar 21, 2012 10:07 pm
by grandpakhalif
Manshallah Abu muscab has joined the light.