




They demaned airplanes from AMISOM to collect seriously wounded Ahlu Sunna soldiers in Southern and Central Somalia. They discussed military operation and refused TFG in order to join its forces together and some other issues.
Guddoomiyeyaasha maamullada Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Somalia ayaa dalbaday galabta in lagu caawiyo diyaarado lagu soo daabulo dhaawacyada qaar kamid ah ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuuso-Mareeb.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho Prof: Xirsi Maxamed Laba-Garre guddoomiyaha Ahlu-Sunna ee gobollada dhexe iyo Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-Libaax ayey si wadajir ah ugu baaqeen dowladda KMG iyo AMISOM in la siiyo diyaarado si dhaawacyada loogu soo qaado.
Laba Garre ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay mas’uuliyiinta Ahlu-Sunna ay siiyeen ballanqaad ah in dhaawacyada loo daweyn doono, balse uu kala hadlay wasaaradda arrimaha gudaha DKMG in ay ka kaalmeyso dhanka diyaaradaha.
Hadalkooda ayaa ku soo beegmay xilli askar badan oo Ahlu-Sunna ka tirsan ay dhinteen, qaar kalana ku dhaawacmeen dagaalkii maanta.



