Cabdi Ilay and some Celi elders will have talks in May, apparently Cabdi Ilay accuses Beesha Celi for not supporting his adminstration.
Qoraal eedeyn ah oo kasoo baxay Hoggaanka dhaqanka Beelaha Celi-SADE ee dega Itoobiya ayaa lagu sheegay inaysan beeshaasi la dhacsaneyn qaabka maamulka Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.iyagoona ku eedeeyey inuu maamulkaasi ka dheeliyey cadaaladii dadka wada degan dhulkaasi ballaaran.
Cali Aden oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Beelaha Celi oo isaga oo ku sugan magaalada Yamaarugleey la hadlayey warbaahinta Kismaayo24.com u sheegay inuu maamulka Madaxweyne Maxamed Abdi Cumar inuu yahay mid u janjeera dhinaca cadaalad-darada islamarkaana aan wax qabadka dowladiisa soo gaarsiin dhulka ay ku nool yihiin beelaha kale ee degan gobolkaasi.
“Waxaan la aqbali karin in la sheegto madaxweyne dhulka Soomaalida ee Itoobiya,haddana lagu koobnaado deegaanka qabiilka madaxweynaha uu ka dhashay ee Ogaden, Marka aan sidaasi leenahay waxaa iska cadahay in mashaariicda, Biyaha,Caafimadka,ammaanka,dhismaha waddooyinka iyo kordhinta degmooyinka cusub ay yihiin kuwa aan soo dhaafin badi deeganaka uukasoo jeedo Madaxweyne Ina Ileey” Ayuu yiri Nabadoon Cali Aden Cilmo oo kamid ah odayaasha dhaqanka Beelaha Celi.
Gobolka Wardheer oo ka mid ah gobollada ugu waa weyn dowlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa inta badan la soo gaarsiin howlaha horumarinta oo ay wado Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Abdi Maxamed Cumar,waana mida keentay inuu soo baxo eedeynta ka timid Beelaha Celi oo ka mid ah kuwa degan gobolkaasi.
Deegaanada Yamaarugleey, Godane,Galaadi,Uur-madag,Duuban,Waal,Qorof iyo Eelaay oo ka mid ah Gobolka Wardheer oo ay degaan beelaha Celi waxaa aysan helin xuquuqda ay Dowlada Killinka Shanaad ku leeyihiin, Waxaana aytaasi keentaa inuu guud ahaan gobolka Wardheer ka danbeeyo goboladda kale ee Dowlada Soomaalida Itoobiya.
Sida lagu arko wararka TV-yadda Soomaalida laga soo daayo ee ku saabsan dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa u badan barnaamijyo laga hirgeliyo Jigjiga,Dhagaxbuur,Godeey meelo kale oo u badan hal qabiil. Waa sida ay hadalka u dhigeen Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Celi-Sade ee degan Itoobiya.
Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya wadahadal ugu baaqay Beelaha Celi oo uu sheegay inaysan dowladiisa la shaqeeyn,Waxaana wadahadalkaasi lagu wadaa inuu dhaco dhamadka bisha May ee inagu soo aadan. Iyaddoo haddana usoo baxayo eedeemo arrintaasi caqabad ku noqon kara ama soo dedejinkarta wadahadalkaasi.