Odayaal lagu xiray Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharey
Admin1 | Apr 15, 2012 | 0 comments
Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Garbahaareey Ee Xarunta Gobolka Gedo Ayaa Tibaaxaya In Halkaasi Lagu Xiray Oday Dhaqameed Kadib Markii Lagu Eedeeyay in uu Gacan saar la Leeyahay Xarakada Al-shabaab.
Xariga odayaasha waxaa xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidanka ee ku sugan Gaebahaarey iyagoo ku eedeeyey odayaasha ay xireen inay la shaqeynayeen ururka Al-Shabaab oo gobolka Gedo intiisa badan laga saaray.
Qaar Kamid Ah Madaxda Dowlada KMG Ee Gobolka Gedo Ayaa Sheegay in Ay Xireen 2Kamid Ah Odayal Dhaqameedka Gobolka Gedo Kuwaasoo uu Sheegay in Lagu soo Eedeeyay in Ay Gacan Saar la leeyihiin Al-shabaab.
Sarkaal Kani Lagu Magacaabo Aadan Maxamed Rufle Ayaa Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay in Ay odayaashani Yihiin Odayaal Beelaha Gobolka Gedo Hormuud u Ah Isla Markaana Wuxuuna wuxuu Sheegay in Ay Yihiin Kuwa Al-shabaab Ah Baaritaanana Lagu Wado.



