Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30305
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Postby grandpakhalif » Fri May 25, 2012 2:16 am

Koox beeleed ka tirsan AhluSunna oo sheegay inay xilka ka qaadeen Prof:Laba Gare



Koox ka soo jeeda mid kamid ah beelaha dega gobolka Galgaduudayaa maanta sheegtay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha guud ee ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca Prof: Xirsi Maxamed Hilowle (Laba Garre).



Shir ay ku yeesheen kooxdan degmada Guriceel, iyagoo sheeganayo in ay yihiin guddiga talada Ahlu-Sunna ayaa maanta laga soo saaray in xilkii guddoomiyenimo laga xayuubiyey Mudane Laba Garre kadib markii ay ku eedeeyeen in uu shaqadiisa gudan waayey.

Ninka ku magacaaban guddiga talada Ahlu-Sunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in xilka ay ka qaadeen guddoomiyaha kadib markii 27-xubnood oo golaha talada ka tirsan ay ka soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah.

Cabdiqaadir wuxuu tilmaamay in waxyaabaha lagu eedeeyey Laba Garre ay kamid tahay in muddo sagaal bilood ah oo uu xilka hayey toddoba bilood oo kamid ah uu dalka ka maqnaa, arrintaas oo uu yiri waa mid sharci darro ku ah habka maamulka Ahlu-Sunna.

Shirkan la sheegay in xilka looga qaadday guddoomiyaha guud ee Ahlu-Sunna wuxuu socday ilaa shalay, furitaankiisii warqad ka soo baxday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ay isku beel yihiin ragga xil ka qaadista sameeyey ayaa lagu eedeeyey Laba Garre in uu shaqadiisa gudan waayey.

Dad badan ayaa isweydiinayo sida ay suurtagal ku noqon karto in xubno yar oo isku beel ah ay xilka ka qaadaan guddoomiye doorasho xor ah lagu doortay oo waliba ka soo jeeda mid kamid ah beelaha ugu badan ee ku jira Ahlu-Sunna.

Prof: Xirsi Maxamed Hilowle waxaa guddoomiyaha Ahlu-Sunna loo doortay sanadkii hore kadib doorasho xalaal ah oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq, waa nin aqoonyahan ah oo maadi iyo diiniba yaqaano.

Ahlu-Sunna oo ku xiran dowladda Ethiopia waxaa la degay rag qaswadayaal ah oo ujeedadoodu ay tahay in ay iska horkeenaan beelaha wada dega gobolka Galgaduud.

Lama oga waxa ay ku dambeyn doonto arrintan, inkastoo uusan ilaa hadda Prof: Laba Garre ka hadlin xilka laga qaadday.

Gedoweb News Desk

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30305
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Postby grandpakhalif » Fri May 25, 2012 2:29 am

hlu-Sunna oo ku xiran dowladda Ethiopia waxaa la degay rag qaswadayaal ah oo ujeedadoodu ay tahay in ay iska horkeenaan beelaha wada dega gobolka Galgaduud.
As soon as they come back from addis they start this bs, interesting.

User avatar
OAF
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1204
Joined: Wed Nov 30, 2011 11:42 am
Location: Ogaden Armed Forces, Ogaden Republic.

Re: Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Postby OAF » Fri May 25, 2012 3:29 am

Image
:som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som:

User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15173
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Postby ZubeirAwal » Fri May 25, 2012 9:26 am

^ Shaydaanku foolxuma, acuudubillahi minash shaydaani rajim :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests

cron