Alshabaab fighters defect to Ahlusuna wal jamaca faction in gedo
Ciidamo ka soo goostay Al-Shabaab oo saaka Soo Gaaray Degmada B/Xaawo ee Gobolka Gedo
Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka subaxnimadii hore waxaa soogaaray gaari kamid ah kuwa dagaalka iyo 20 dhallinyaro oo gaarigaas watay kuwaa oo ka soo goostay Al-Shabaabka ku xeeran gobolka gedo.
Ciidamadaas iyo gaariga ay wateenba waxaa la wareegay maamulka degmada ayadoo dhamaanba ciidamadaas la geeyay saldhigga dhexe ee degmada.
Sargaal ka tirsan ciidamada dawladda ee gobolka Gedo ayaa saxaafadda u sheegay in ragga soo goostay iyo gaarigoodaba ay la wareegeen ciidamada dawladda.
Sargaalku waxaa uu intaa raaciyay in haatan kulan soo gaba gaboobay la isla gartay in ciidankan laga gao qoryaha ay wataan kadibna ay magaaladooda galaan ninkii doonayana uu kamid noqon karo ciidamada dawladda.
xaaladda Al-Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay ahayd mid aan caadi ahayn ayaysan ahayn ciidamdii ugu horreeyay ee ka soo goosta Al-Shabaab inkastoo aanay jirin wax war ah oo ay ka soo saareen xarakada Al-Shabaab ee ku sugan qaybo kamid ah gobolka Gedo
Gedo Times



