Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Kismaayo Al-Shabab ask for replacement of the Talxe Ugaas

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
SadeMedia
Posts: 132
Joined: Fri Aug 10, 2012 7:39 pm

Kismaayo Al-Shabab ask for replacement of the Talxe Ugaas

Postby SadeMedia » Tue Aug 14, 2012 4:13 pm

Saraakiisha Al-shabaab ee Kismaayo oo odayaasha beesha Talxe ee Kismaayo amar ku siiyay in ay 45 casho gudahood Ugaas kusoo doortaan.

Talxe elders of Kismaayo:
Image


Kismayo, Somalia (AOL) – Kulan saraakiisha Al-shabaab ee beesha Talxe la qaateen odayaasha Talxe ee Kismaayo ayeey ku amareen in ay sida ugu dhaqsiyo badan muddo 45 cisho gudahood kusoo doortaan ugaas maadaama sida ay sheegeen uu ridoobay ugaaskii beesha Talxe Ugaas Cabdi Buule Ugaas Xasan Dabac oo haatan ka mid ah odayaasha jooga Muqdisho.



Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay saraakiisha Talxe ee Al shabaab ee kala ah: Cabdi-raxamaan Cali Dhabokeen (Fiiloow), Shiine Cali Jiiroow, Liic Maxmed Jabriil iyo Nuur Dheer Buule, waxaana shirkaasi looga hadalay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii ay beesha oga qeyb qaadan laheyd waxa ay ku shegeyn jiihaad ka socda Somaliya iyo in ay beesha bixiso xoolo sida Geel, Ari iyo waliba in ay beesha kasoo saarto ciidanka dawalada kaga jira.

Shirka ayaa waxaa ugu horeyntiiba asaga oo careysan qudbad ka jeediyay Cabdi-raxamaan Cali Dhabokeen (Fiiloow) waxaana uu yiri “waxaan rabaa in aan idiin sheego in la’idinka rabo in aad 45 casho kusoo doorataan Ugaas Mujaahid ah oo diinta u shaqeeyo hadii kale Kismaayo ma wada joogeyno.”

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadalay oday dhaqameedyo ka tirsan beesha Talxe oo uu ka mid ahaa Nabdoon Cabdi Shiiloow, ayada oo hadaladii ay odayaasha halkaas ka jeediyeena uu ka mid ahaa “diyaar ayaan u nahay in aan fulino amarka kasoo baxay maamulka Al-shabaab oo aan ugaas soo doorano, beri laga bilaabana waxaan raadin doonaa ninkii ugaas looga dhigi lahaa beesha Talxe.”

Ugu danbeytii, waxaa hadalka soo xiray Liic Maxmed Jibriil oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaabka Kismaayo ee beesha Talxe, waxuuna sheegay in hadii ay odayaasha kusoo dooran waayaan 45 cisho Ugaas in ay raali ka yahiin waxa ka socodo Muqdisho talaabo cadna laga qaadi doono.

Kulanka oo ahaa mid xooga lagu keenay odayaasha qaar ka mid ah ayaa ku soo idlaaday hanjabaad iyo cagajogleyn, lamana oga talaabad ay qaadi doonaan odayaasha Talxe ee Kismaayo ee lagu amaray in ay si deg-deg ah ugaas ugaas usoo doortaan.

Al-shabaab ay waxay mudooyinkaan danbaba wadeen qorshe ay rabaan in ay ku bedelaan dhaqanka beelaha Somalida ee jooga Muqdisho waana siyaasad hor leh oo aan lagu aqoonin kooxda Al-shabaab oo dagaal qaraar kula jirto xoogagga dowladda KMG ah ee Soomaaiya oo gacan ka helaya kuwa dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

———–
Cabdiqani Maxamed Bayoow, Muqdisho/Somalia.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests