Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Libax Bare Hirale talks with Sarakisha dawlada

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Libax Bare Hirale talks with Sarakisha dawlada

Postby CoolPoisons » Sun Sep 30, 2012 4:49 am

Barre Hiiraale oo Kulamo Xasaasi ah Muqdisho Kula Qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Col Barre Aadan Shire Hiiraale oo Kamid ah Saraakiisha Dowlada Federaalka Soomaaliya ee dagaalada Qaraar lasoo galay Malayshiyaadka Kooxda Shabaab oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Kulamo is daba jooga la qaadanaya Saraakiisha Dowlada Soomaaliya eeku sugan Magaalada Muqdishi.

Barre Hiiraale ayaa Maalmahii ugu danbeeyay kulamo is daba jooga qaadanayay Saraakiisha Hogaamisa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya e ku sugan Magaalada Muqdisho, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dagaalada Iminka soconaya qaybo kamid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasoo lagu sifaynayo Haraadiga Xarakada Shabaab.

Mid Kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo kulanka la qaatay Col Barre Hiiraale ayaa sheegay inay isku afgarteen sidii Maamul loogu samayn lahaa Gobolada Jubooyinka Iyo gedo kaasoo ay u dhanyihiin Beelaha daga Goboladaasi si looga hor tagi dhibaato ka iman karta Malayshiyaadka is feer yaacaya ee haatan ku wajahan Magaalada Kismaayo.

Saraalkani ka gaabsaday in Magaciisa lagu qoro Boggan ayaa Tibaxay qabsashada Magaalada Kismaayo ee Ciidamada Huwanta ay guul u tahay dagaalada Al-shabaab lagula jiro ee ka soconaya Gobolada Koonfureed isla markaana loo baahanyahay inta aysan amaanku faraha ka bixin in Maamul loo dhanyahay loo sameeyo.

Barre aadan shire ayaa la filayaa inuu Maalmaha Fooda nagu soo haya Gaaro Magaalada Kismaayo ka hor inta uusan Aadin Xajka, waxaana suura gal ah inay isku raacaan Taliyahay Ciidamada Dowlada Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana warar lagu kalsoonyahay sheegayaan inaysan Raali ka ahayn Imaanshaha Magaalada Kismaayo ee Barre Hiiraale Dowlada Kenya iyo Malayshiyaadka Raaskambooniyinta oo Horay Xiriir ula lahaan jira Malayshiyaadkii jabay ee Al-shabab ka hor intii aysan siyaasada ku kala boodin.

Isku soo wada duuboo Kulamada iyo Dhaqdhaqaaqyada uu wado Barre Hiiraale ayaa qayb ka ah howlo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolada Jubbaland.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest