Khadro Basaweyne oo ka mid aheyd Ganacsatada Kismaayo oo shil gaari ku geeriyootay.Allaha u naxariisto.
Inaalilaahi waínaalilaahi Raajicuun, Waxaa warar inaga soo gaaraya magaalada Goobweyn ay sheegayan inay shil gaari ku geeriyootay Allaha u naxariistee Khadra Basaweyneoo ka mid aheyd halbowlaha ganacsiga ka socda magaalo xeebeedka Kismaayo.
Marxuumad Khadro Basaweyne oo socdaal uga ambabaxday magaalada Goobweyn kana socdaashay magaalada Kismaayo ayaa waxaa rogmaday gaarigii ay saarneyd. Waxaana gaariga uu u dhacay dhinaca ay iyada ka fadhiday kadibna uu dusha uga yimid gaarigii, sida ay inoo sheegeen qaarka mid ah ehelada Marxuumad Khadro Basaweyne.
Geerida Khadro Basaweyne ayaa waxaa si weyn uga naxay dadka yaqaanay, kuwaasi oo ku tilmaamay inay aheyd maskax dhaqaale oo muhiim u ahaa nolosha Kismaayo, iyaddoo sidoo kalana sheegay inay aheyd hooyo isku waday ganacsiga iyo daryeelka ubadkeeda.
Marxuumada ayaa saaka lagu aasay magaalada ay dageneyd ee Kismaayo. Waxaana ka qeybgalay aaskeeda inbadan oo ka mid ah dadka magaalada.
Waxaa ay allaha u naxariistee Marxuumad Khadro Basaweyne ifka uga tagtay 7 caruur ah oo ku nool isla magaalada Kismaayo, waxaana hadda gacanta ku haya Aabahood.
Your ads will be inserted here by
Easy AdSense.
Please go to the plugin admin page to paste your ad code.
Marxuumada iyaddo ay wada-dhasheen wiilal iyo gabadhana, haddana waxaa caan ah oo ay la dhalatay Maxamed Basawyne oo ah Madaxa Dhaqaalaha ee hayádda HIRDA ee ka howlgasha Somaliya iyo Holland.
Maamulka Shabakada Warbaahinta ee Kismaayo24.com waxaa uu ka tacsiyeynayaa geeridaasi ku timid Marxuumad Khadra,iyaddoo aan ehelkii iyo qaraabadii aanu leenahay samir iyo iimaan allaha idin ka siiyo, halka aan Marxuumada alle uga rajeyneyno inuu qabriga u nuuriyo, aakhrina janadii ugu bishaareeyo. Aamin Aamin.
Cabdixakiim Cabdi Ismaaciil (Xaajiga)
Denhaag, Holland.




