They both agreed that one
1. Jubbaland State as "Gedo, Lower Jubba, and Middle Jubba" is a political unity
2. That locals have the right to build that administration
3. That the Federal Government will support but not try to implement an administration for them
The Prime Minister's BBC interview:
The President's interviewhttp://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_m ... aare.shtml
Raisulwasaare Dr.Saacid“waxan taagersanahay in shacabka Jubboyinka iyo Gedo ay samaystan Maamul Goboleed“
Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanak Soomaaliya ay ansixiyeen xukuumaddiisa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay go’aanka ay xildhibaannada ku taageereen dowladiisa oo uu sheegay in tirada sabab uu u yareeyay ay tahay sidii ay isbeddel deg deg ah u keeni lahayd.
Raiisul Wasaare Saacid, waxa uu sheegay in markii uu eegay duruufta Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalku heysto ay qasab ku noqotay dowlad kooban.
Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uu xukuumaddiisa ugu soo daray, Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeedda Somalilan.
Raiisul Wasaaruhu waxa uu yiri “aniga ma qabo in Fawsiya ay ku jirtay kala go’a, oo ay olole gaar ah gashay waxaan arkay dastuurka xisbigeeda”
Waxa uu sheegay in sabab uu uga shakiyo aanay jirin Fawsiya iyo dadka kale ee ka tirsanaa jabhaddii SNM.
Raiisul Wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay maamul u sameynta magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay dowladdu ka soo saartay qoraal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka, kaasi oo ah in ay ku taageeraan dadka degaanka inay maamul sameystaan.
http://kismaayo24.com/wp-content/upload ... aaliya.mp3
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka soo dabcay Mowqifki u ka tagnaa Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa manta mar uu warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si fog uga hadlay arimaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu shegay in Shacabka Jubbaland ay tahay in ay ayagu ayahooda ka taliyaan isla markana ay so xulankaraan hogaamiyihii maamuli laha .
Madaxweynaha waxaa uu sido kale sheegay in Dowlada Somalia aysan ogolan doonin in dagaalo sokeeye iyo qalalaaso siyaasadeed ay ka dhacaan gobolada jubboyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu sido kale sheegay in Maamul usameynta Guud ahaan Gobolada Somalia Dowlada Somalia ay ku leedahay kaalin fududeeyn ah Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo na kuwaas la mid noqon doonan.
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aday Xili Raisulwasaaraha Somalia Dr Saacid uu Mowqif adag ka istagay Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.



