Shir Magalaada Kismaayo ku dhexmaray Beelaha Daarood.
Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in Magaladaaasi manta ay ku kulmen Odayaasha dhaqanka beelaha darood.
Kulankaas oo ay gogoshiisa lahayd beesha Kabalalax ayaa waxa ka soo qayb galay qaybaha kale ee beesha Daarod oo ay ugu horeyso Beesha Sade.
Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid beelaha Darood ay isku xog waraysanayeen islamarkana la isku samaxayay ayaa ugu horeyn waxaa hadlay beeshi maritida lo ahaa ee Kablalax waxaayna soo jeediyeen in la mideeyo guud ahaan beesha darood isla markana la is cafiyo oo beel walba dhibka Jubboyinka ka soo garay ay iska ilowdo oo la isi saamaxo.
Beesha Sade oo ayadana kulan kaasi ka hadashay ayaa waxaay sheegen in ay ayagu cidna waxba u qabin islamarkana diyaar ay u yihiin in dadka walalaha ah ay nabad ku wada nooladaan.
kulankaan oo ahaa mid si weyn lo soo agasimay ayaa waxaa dood dheer ka dib beeluhu ay isla fahmeen in nabada laga wada shaqeeyo iyo midnimada beesha waxaana isku racaay dhamaanba beelihi ka soo qayb galay shirka.
Dhanka kale inta uu shirku socday ayaa beesha sade waxaay si qaas ah u soo jeediyeen in inta la saxaayo qaladaadka ku jira Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo aan wax Maamul lagu dhawaaqin.
Ugu danbeyn Shirkaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday guul iyo is afgarad marka laga reebo arimaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo beeluhu wali ku kala fikir duwan yihiin.





